“mushkiladaha iyo rabshadaha ka dhacaya Ex-theatre waxa ka masuul ah xukuumadda”

0
19

Hargeysa (Hubaal)-Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo kamid ah Siyaasiyiinta Kasoo jeeda Caasimada Hargeysa ayaa guud ahaanba ka deyriyay xiisada ka taagan Ex Tiyaatarkii hore ee Caasimada Hargeysa oo maanta rabshado adagi ka dhaceen kadib markii la galalafey nawaaxiga Tiyaatirka oo la sheegay in Digreeto Madaxweyne lagu siiyay wajhadiisa Xubno aan aheyn Mulkiilihii maalgaliyay Cumar Caydiid ee Xukuumadii hore ku wareejisay oo tacab badani ka galay.

 gadh-yarMaxamed Cabdiraxmaan(gadhyare), oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews lasoo xidhiidhay ayaa, sheegay in Mushkilada iyo rabshadaha halkaa kasoo kordhay ay Xukuumadu masuuliyadeeda leedahay,islamarkaana dooneyso qorshe dabada ku haya sida uu hadalkiisa u dhigay  in rabshado iska hor imaad ahi ka dhacaan si nabedgalyadu faraha uga baxdo Doorashadana dib loogu riixo.

 Mushkilada rabashada ka taagan Ex Tiyaatarkii hore ee Magaalada Hargeysa Muwaadin Cumar Caydiid oo halkaa maalgalin badan ku sameeyay Xukuumada ayaa iska leh masuuliyadeeda wixii dhibaato kayimaadana iyadaa iska leh laakiin waxaan u arkaa anigu in la iska horkeenayo,dadka walaalaha ah oo ay Xukuumadu qorshe kale ka leedahay si nabadgalyo daro halkaa uga dhacdo oo Doorashada dib loogu dhigo, waxaan leeyahay haka digtoonaadaan labada dhinac ee halkaa iska hor imaadku ku dhex marayaa waana nasiib daro in Mudo kordhinta meel xun laga raadiyo oo dhiig loo doondoono”Ayuu yidhi Maxamed Gadhyare.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in aanay qarsoonayn in rabshadaha iyo dhibta halkaa ka jirta Xukuumadu ka dambeyso isagoo ku sababeeyay in aan xal loo waayeen laakiin ujeedo kale ka damberyso.

 Maxamed Cabdiraxmaan (gadhayare), oo kamid ah Siyaasiyiinta Caasimada Hargeysa ayaa, mudooyinkan dambe usoo qaatey dhaliilaha Xukuumada.

source:hadhwanaag

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here