Musharixiinta Saddexda Xisbi Qaran Maxaa Laba Reer Uun Kooto Ugu Xidhay?- By:Adan Deeq

0
44

Dalkeenu waa dal wayn oo aay ku dhaqan yihiin qabiilo kala duwan oo dhami xaq iyo xuquuq ku leh Somaliland. Hadaba maxaa yeelay in dalkeena sadexda xisbi qaran aay ka sharaxnadaan laba reer (Isaaq & Samaroon ) oo aad moodo markaad eegto inaanay ahayn xisbiyo qaran lakiin aay yihiin meherado shuraako ku yihiin laba reer.

 11020950_10152592134881400_560324801_n

Dalkeena marka aad eegto waxaa aaynu ku faanaa ineynu nahay dal dimuqaraadiya oo shuruud waloo looga baahnaa dimuqaraadiya inaaynu buuxiney, lakiin waxa kaliyee inaga dhiman yahay aqoonsi.

Waa run oo horta shuruudaha dimuquradiyada iyada wax yaabo badan ayaynu sugnay oo shuruudahoodi dhamays-tirney, lakiin hadana marka gunta aaynu u dhaadhacno xaquuqdii qabaa’ilo badani xaq ulahayeen ayaynu ku tumanay.

Maxaa yeelay in sadexda xisbi qaran qabiil yeesho jagada musharaxa madaweyne halka qabiilka kale ka leeyahay musharaxa madaxweyne ku xigeen?

Maxaa Gabooye,Dhulbahante,Ciise,Madigaan iyo Akishe u diiday ineey jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen?

Hadii Qabiilada aan soo xusay qaarkood laga tiro badan-yahay Dhulbahante maxaa lagu xaqiray?

Siyaasad xumida dalkeena wiiqday waxaa ka kow ah cadaalad xumida ka dhex oogan sadexda xisbi qaran ee hadh iyo habeen xisbiba xisbiga kale dhaliil dusha uga ridayo, iyadoona midkoodna xisbaga uu kasoo jeedo aanu haba yaraatee hoos uba eegin dheelitirka miisaanka xisbiga. Umadu iyaguna waa inaay wax badan u dhuur galan maaha kaliya in reer jeclaysi iyo nin jeclaysi dadnimadadeena iyo damiir keena haleeyaan sababtoo ah siyaasigu reer maha lakiin waa uu ku guuraa oo ku meel gaadhaa.

Maanta markaad eegto qaran keena waxa aaynu mareynaa heerkii aaynu ku xisaabtami lahayn wixii umada dan u ah ee waxtar u leh.

Waxaana tusaale inoogu filan xisbiga Kulmiye ee cadiifad qabiil aaynu ku dooranay indho la’aani weheliso. Nasiib-daro wakaa maanta aanu waxba kusoo celin umadii dooratay, hase-yeeshee maanta la inooga baahanyahay inaynu bedelno fikir keeni hore inagoo danta caamka ah eegayna kuna codayna, isla markaana ka dalbano xisbiyada qaranku inaay bedelaan nidaamka saami qaybsiga xisbiyada gudahooda iyo shuruucdooda inagoo ku amrayna awooda codkeenu ina siiyay lana rabo inaaynu fahano awoodaheena.

In badan ayaynu maxaabis u ahayn saddexdeena xisbi qaran ee tamar darida badani ka muuqato, hada lakiin waynu qaan-gaadhnay waxeeynu gaadhnay wakhtigii aynu is xoreeyn lahayn inagoo si xor ah oo cafimaad badani ku dheehan yahay fikir keena mustaqbalka dalka iyo umadaba kor ugu qaadi lahayn.

ADEN-DEEQ

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here