Hargeysa(GNA/Hubaal)-Taliska Ciidanka Qaranka, ayaa daboolka ka qaaday inay Dadweynaha Xaafada Masalaha ku wareejiyen Dhul Saddex Garoon Kubaddeed ah oo Maalmihii la soo dhaafay Murankiisu cirka isku shareeray, kaddib markii Dadweynaha Xaafaddu ka gadooddeen Dayr Ciidanku ku xidheen oo looga shakiyey in loogu xidhayo sidii looga Iibin lahaa Dad Ganacsato ah.
Dhulkan, oo ay dadweynaha Xaafaddu si adag uga soo horjeesteen Dayrka Ciidanku ku xidheen kaddib markii sida la tilmaamay ay soo baxeen warar ku tiri ku teen ah oo sheegaya in Dhulkaasi Taliska Ciidanku ka iibinayo Ganacsato rayid ah, ayaa wuxuu ku yaalla Xerada Ciidanka ee Gaas M-ta loo yaqaano, taasoo dhinaca Galbeed kaga beegan Madaarka Diyaaradaha.
Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Col. Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) , ayaa shalay isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay Barxad banaan oo ku taalla goobta lagu muransanaa, ayaa caddeeyey inay Odayaasha Xaafada Masalaha ku wareejiyeen saddex garoon iyo Dhisme loogu talo galay Basket-ka.
“Odayaasha Xaafada Masalaha waxaanu ku wareejinay saddex garoon iyo Gurigii Kubadda Kolayga oo uu Taliyaha Ciidanku bixiyey, si meesha uga baxdo waxan la shubayay ee la leeyahay Dhulbaa Ciidanku iibsadeen”ayuu yidhi Col. Daba-gale.
Geesta kale, Cuqaal iyo wax-garad ka soo jeeda Xaafadda garoomada lagu wareejiyey oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay talaabadan Ciidanku ku wareejiyeen Dhulka laysku khilaafsanaa, waxaanay sheegeen inay Dhalinyaradu xaafaddu u aayi doonto garoomadan loo dhisay oo dhiiri-gelin u ah.
Heshiiskan laba geesood ah, ayaa ku soo beegmay maalin kaddib markii ay xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo waxgaradka Koonfurta Hargeysa ay warbaahinta ka sheegeen in Dhulkaasi hadii Ciidanku la wareegaan xaalad nabad-gelyo-daro ka iman doonto, waxaanay Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inuu saacaddo gudahood ku soo faro-geliyo hadii kale ay gacan ka hadal kaga jawaabi doonaan talaabada Taliska Ciidanku kula wareegay oo ay ku tilmaameen mid awood Ciidan loo adeegsaday.
Dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee Degmada Maxamuud Haybe, ayaa si weyn u gil-gilay Aqalka Madaxtooyada oo muddo dheer indhaha ka lalinayay xiisada ka aloosnayd Dhulkaasoo mar u dhaxaysa Milateriga iyo Wasaaradda Duulista, iminkana ka dhex aloosmay Bulshada Xaafada Masalaha oo dhinac ah iyo Ciidanka.
warar aan rasmi ahayn oo ka soo baxayey Qasriga Madaxtooyada Habeenkii Axadda, ayaa tibaaxaya inay halkaasi kulan yeesheen Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Degmada Maxamuud iyo Masuuliyiin aan Meeqaamkooda la sarifin oo Madaxtooyada ka tirsan, kuwaasoo ka wada Hadley dejinta dareenka Bulshada Xaafadda oo kacsanaa maalintii sabtida markii qaraarka culus oo saareen Suldaanka Guud ee Deegaanka iyo Isimda kale, kuna baaqeen gacan ka hadalka hadii wax laga qaban waayo Cabashadooda.
Inkasta oo aan kulankaasi xogtiisa faahfaahin badan laga helin, hadana marka la eego siday Xaalada Muranku isu bedeshay Maalin gudaheed ee shalay loogu waabariistay heshiiska, waxa muuqata in is-faham belaayo Xijaab ah laga gaadhay xiisaddaasi, hadii qasriga lagu soo heshiiyey iyo hadii kaleba.