Hargeysa (Hubaal) Guddoomiiyaha Ururka waddaniga ah ee Horseed Md Calawi Cabdi Gaboobe ayaa taageero laxaadle u muujiyey musharaxnimadda doorashadda madaxtooyada ee soo socota ee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu u qalmo inuu isku soo taago oo uu waliba madaxwayne ka noqdo Somaliland.
Calawi Cabdi Gaboobe waxa uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku sifeeyey mid fashilantay oo ay bulshadu ka calool go’een isla markaana aan u qalmi inay talada dalka sii hayso, kaas oo sidoo kale si kulul u cambaareeyey koox uu ku eedeyey inay argagixiso yihiin oo ay madaxtooyada fadhiyaan.
Guddoomiyaha Harseed Md Calawi Cabdi Gaboobe waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray oo nuqulo ka mid ah soo gaadhsiiyey Warbaahinta. Kaas ooisaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Murashaxnimada M/weyninimo ee gudomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi waa Mid sharciya oo uu xaq uu le’yahay , waanu uu qalma maadaama uu ka mid ahaa halyeyadii Usoo halgamay xoreynta dalkeena hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland, markay cod tahayna Wa ninkii keenay % 50 codka guud ee uu siilaanyo madaxtinimada dalka ee 26.June.2014.
Axmed Siilaanyo wuxu doonaya inuu dagaal iyo qas ka rido dalka , waxaanu taagan yahay cid hadli karta ma jirto , Cid ila Tartami karta ma jirto , cid wax qori karta ma jirto ciddii rayi’gayga ka hor timaada-na waan xidhaya, waan cabudhinaya !!!.
ogow siilaanyo waa ninkii uu baxsaday London markii ay xogagii dalgaalyahankii ururkii Xaq uu dirirka ahaa ee SNM 1988 ee uu Muj.Muuse Biixi Cabdi uu ka mid ahaa raggii Hogaaminayey ee sida miidaamada ah isku soo shubay gudaha dalka Jamhuuriyda Somaliland.
Siilaanyo waa Fulay , cid u-uu hanjabi kara ma jirto , Muj.Muuse Biixi-na adeer kelidii ma-aha Noqona maayo kelidii , ee waxa barbar taagan oo la socda oo garab iyo gaashaan oo ah Ah Beelaha awooda badan ee Zubeyr-Awal .Bullshada dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo caalamka-ba ( UN , AU , Arab leag…iwm ) Waxaanu uu sheegayna maadaama loo hogaansami waayey sharciyada iyo qawaaniinta dalka Uu degsan inaanu iska celin doono kooxdan shuftada ah ee argagixisada ah ee madaxtooyada Fadhida ee uu siilaanyo uu gacan geliyey taladii iyo masiirkii umadii iyo qarankii-ba.
HA DHACO odayga gaboobay ee aanu ku khasaaranay ee la yidhaahdo siilaanyo
Ha GUULEYSTO Murashaxa M/weynaha ee kumiye Muj.Muuse Biixi Cabdi”.