Maaha markii kowaad ama labaad ama sadexaad ee ay dhacdo mudo dhaaf waqtiga ama korodhsi in ka badan mudadii dastuurku u Cayimay madaxweyne ee ah 5sano iyadoo aanay muuqan daruuf ama xaalad ka mida kuwa uu dastuurku dhigaayo in hadii ay yimaadaan la kordhin karo mudada shanta sano ah ee madaxweynaha loogu talogaly inuu xilka hayo sida dagaal, abaaro. Cuduro,ama masiibo dabiici ah oo kale.
Balse nasiibdaro iyadoon xaaladaas aan soo sheegnay midna dhicin ayaa waxa caado noqotay in madaxweynihii yimaadaaba sameeyo mudo dhaaf xileed oo ka badan mudadii shanta sano ahayd ee la doortay.waxaana ceeb inoogu filan dad iyo xukuumadba inaynu been ka sheegno ku dhaqanka dadtuurka aynu ugu codaynay Haa 97% inagoo xor ah cidina Ina khasbin rumayna waynu ujadadii aynu u qaadanay oo ahayd inaynu raacno fulinana wuxuu ina faraayo iyadoo taas bedelkeeda cidii mintidada daabkeeda qabataaba jabiso dastuurka martana jid kale oo ay doonto kuna dheeraysato xukunka iyo maamulka dalka una aragto nasteexeeda balse aan eegin sharciga iyo nidaamka dalka ee ay masuulka. Uga tahay umada u igmaday kuna sharaftay,jeexdana nidaam qaloocan oo inoo horseeda suncad xumo, iyo ka been ka sheegid ku dhaqanka dastuurka dalka.taas oo jiilkan hada jooga iyo ku soo socdaba u horseedi doonta nidaam xumo, rajo xumo iyo ku dhaqan la,aan nidaamka iyo dastuurka dalka oo la jabiyo.maadaama kii yimaadaaba jabinaayo mudo xileedka madaxtinimada wadanka.
Iyo dib u dhac ku yimaada xiliga madaxeynaha,goloyaasha dalka.iyadoon aan ognahay inaan wali la dooran guurtidii,wakiiladii oo hada fadhiya sanadkii tobnaad tii deegaanka oo mudo dhaaf ka dib dirqi ku hirgashay,waxa iyana aan ka warhaynaa in madaxweynayaashii kala danbeeyay loogu kordhiyay daruuf la,aan imikana aynu arkaynu in loo sacabo tumaayo mudo kordhin aan la cayiman intay tahay.waxan ognahy in kharash faraha badan ee ku baxa aynu s.land ahaan bixino 25% inta kalana caalamku inaga taageero la,aanteedna aynaan wax dorasho ah la qaban karin.
Hadaba Dal ahaan waxaynu u baahanahy in aynu la nimaadno qorshe kale oo aynu ku qabano dorasho waxna qabsan karno iskeen iyadoon cidi ina siin wax taageero dhaqaale ugana baxno nidaamkan hada ee laga dhur-sugaayo kaalmada kuwa aynu ugu yeedhno deeq-bixiyaasha oo aan la,aantood doorasho aynaan qabsan Karin.hadaba markaan eegno arinta mudo kordhinta madaxweynaha ee dhawrka jeer soo noqnoqatay laga soo bilaabo madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka ilaa kan hada jooga oo ah kii afraad walina aanay dhicin madaxweyne ka yaraystay 7sano waxa dad badan is waydiinayaan tolow mudo xileedka madaxweynimada s.land ma waxa laga dhigay 7sano?? maadama madaxweyne kastaa rabo inuu maro jidkii uu maray madaxweynihii ka horeyay isagoon tixgalin dastuurka iyo shacabka soo doortay iyo hirgalinta nidaamka dimuquraadiga ah ee aan qaadanay madaxweynayaashuna yihiin cidii la rabay inay hirgaliso caalamkana u iib gayso nidaamkan aynu qaadanay ilaalintiisa iyo ku dhaqankiisa.
Wabilaa tawfiiq.