Midowga Yurub Oo Cambaareeyay Lixdii Qof Ee Dawladda Somaliland Qisaasta Dilka Ah Ku Fulisay

0
31

EU: Somaliland Waa Inay Joojisaa Ciqaabta Dilka

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo Dalalka Xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u  dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga amaanka baddan ee Mandheera in badan ka dib markii ay iska daayeen fulinta maamulku.

 EU

Guud ahaan, falkani aan la filayni wuxuu  dib u dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo hor jeedaa ciqaabta dilka waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo hor-jeedaan xabaalaha la qoday sagaal  sanno ka dib markii la  joojiyay dilalka ciqaabta ah waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda  dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.

Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaa masuuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ay u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horayso inay qaataan shuruuc ku haboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintani.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here