Midawga Yurub Oo Ansixiyay Talaabooyin Lagaga Hortagayo Dadka Dadka Tahriibiya Iyo Doomaha Ay U Adeegsadaan

0
28

Madax midawga Yurub ayaa ku heshiiyay in ay saddex jibaaraan lacagta lagu maalgaliyo hawlgaladooda baadhitaanka iyo badbaadinta ee badda Mediterranean-ka si gacan loga gaysto tirada badan ee muhaajirinta ah ee isku dayaya in ay u talaabaan Yurub iyaga oo ka tagaya waqooyiga Afrika.

Kaddib wadahadalo dagdag ah oo ay ku yeesheen Brussels, hogaamiyeyaashu waxa ay sidoo kale ansixiyeen talaabooyin lagu qabanayo laguna burburinayo doomaha ay ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya.

QMKulankan waxaa lagu baaqay kaddib markii ay dhinteen in ka badan sideed boqol oo qof kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ladagtay todobaadkii hore.

Dalal badan oo midawga Yurub ka mid ah ayaa ku deeqay maraakiib, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dad arrintaasi ka shaqeeyaba.

Madaxwaynaha gollaha Yurub Donald Tusk, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay iskaashi balaaran yeeshaan wadammada ay muhaajiriintaasi ka imaanayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here