Mid Ka Mid Ah Urur Siyaasadeedyadii Hadhay Oo Saami Badan Ku Leh Wejiyada Kusoo Biiray Xukuumadda & Aasaasahoodii Oo Liiska Wasiirrada Ka Mid Ah

0
35

Akhriso:  Urur Siyaasadeedka Ugu Saamiga Badan Wejiyada Kusoo Biiray Xukuumadda Iyo Aasaasahoodii Oo Liiska Wasiirrada Ka Mid Ah

Hargeysa (Hubaal)- Siyaasiyiintii hormuudka u ahaa Urur-siyaasadeedkii hadhay ee Xaqsoor, ayaa saami mug leh ka helay Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, ka dib markii ay Siyaasiyiintaasi ku Biireen Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Siyaasiyiintii ka tirsanayd Xaqsoor oo ka mid ahaa dhawr Urur-siyaasadeed oo markii ay ku hadheen doorashooyinkii Deegaanka ku biiray Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayey noqdeen Masuuliyiintii Xaqsoor xubnihii ugub badnaa ee xilal muhiim ah uu u magacaabay Madaxweyne Siillaanyo.
Aasaasihii Ururkii Xaqsoor Axmed Nuur Aw Cabdi (Shaacir), ayaa ka mid noqday Liiska Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Kulmiye, ka dib markii uu madaxweyne Siillaanyo u magacaabay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Somaliland, xilkaas oo Masuulkani hayey wakhtigii Xukuumaddii UDUB.
Axmed-Nuur-Aw-Cabdi-Shaacir.Sidoo kale, Siyaasi Maxamed Ibraahim Qabo oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Ururkii hadhay ee Xaqsoor, ayaa isaga loo magacaabay La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada.
Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, waxa hore uga mid ahaa Guddoomiye kuxigeenaddii Ururkaasi, kuwaas oo xilal Wasiiro ah uu u magacaabay Madaxweynuhu.
Axmed Cabdi Kaahin, ayaa loo magacaabay Wasiirka dhalinayarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, halka Cali Sandule isaga hore loogu magacaabay Wasiirul Dawlaha nabadeynta Gobollada Bariga.
Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta Urur-Siyaasadeedkii Xaqoor, ayaa iyagu ah xubnihii ka mid ka ahaa Ururradii hadhay eek u biiray Kulmiye ee hela Xilal intaasi leeg, iyada oo isku shaandheynihii u dambeeyey ee Madaxweynuhu sameeyey ay quurdaraynayeen in iyaga la magacaabo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here