Maxkamad Ku Taalla Dalka Masar Oo Xukun Muddo Dheer ah Ku Ridday Wariyayaal Ka Tirsanaa TV-ga Al-jasira

0
21

Cairo (Hubaal)-Saddex Wariye oo Ka Hawlgeli jirey Telefishanka Dalka Qadar laga Leeyahay ee Aljaziira, ayey maxkamad ku taalla waddanak masar ku ridday Xukunno Muddo dheer ah.

Saddexdan wariye oo jeelka ku jirey tan iyo intii xilka laga tuuray madaxweyne Mursi, ayaa lagu xukumay xukun u dhexeeya Toban sano iyo iyo Toddoba sano oo xadhig ah.

aljazeera journalists sentenced

Waxay maxkamaddu sheegtay in lagu helay dambi ah inay fidinayeen warar been abuur ah oo ay la shaqeynayeen ururka dalkaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Musliminka.

Weriyayaashaasi waxaa ka mid ah Peter Greste, oo hore ula shaqeyn jiray BBC-da isla markaana u dhashay dalka Australia.

Xukunka ka hor ayaa ra’iisalwasaaraha Australia Tony Abbot waxaa uu baaq u diray madaxweynaha Masar Abdul Fatah al-Sisi, uu kaga codsaday siideynta weriyaha Al-Jazeera ee Peter Greste.

Xukuumadda Dalka Masar oo ah  Militari ku timi shaadh Madani ayaa gacan bir ah ku haysa Xukunka Dalkaas, waxana ay maalmo ka hor Xukunno dil iyo xabsi daa’im iskugu jira ku ridday Boqolaal ka Tirsan Saraakiisha sarsare ee Ururka Ikhwaanu muslimiinta oo uu ka tirsanaa Madaxweyne Mursi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here