Maxaynu Ka Baranay Xisbiga Kulmiye Mudaddii Uu Xilka Hayey? By: lecturer Hamse Mohamed Ali.

0
34

xamse ibrahimRuntii waxaa hubaal ah inaynu xukuumad kasta oo soo martay dalkeena ay nu wax kabaranay waxna kuxasuusano, kasoo bilaw ilahay naxariistii jano hakawaaraabiyee Mohamed Haggi Ibrahim Egal waxaa lagu xasuustaa hubka dhigistii beelaha Somaliland iyo inuu ahaa aabihii democracyga Somaliland.

Dahir Riyaale Kahin waxaa lagu xasuustaa inuuu ahaa madaweynihii hirgaliyey democracyga Somaliland inuu dhisay nabad galyada Somaliland oo dhidibada u adkeeyey oo uu hirgaliyey doorashooyin dhawra oo si xor iyo xalaal ah laysu soo doortay taasi waxay kutusinaysaa inay democracy ka hanaqaaday dalka.

Hadaba aynu u nimaadno maxadweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo waxaynu kabaranay oo aynu ku xasuusan doonaa insha allah musuqmaasuq, qabyaalad, cadaalad daro, tahriibta oo kor ukacday iyo waxyaabo kale.

Qabyaaladu waa shay aafo ah oo aad uxun waxaanay kor ukacday intii uu madaxweyne siilaanyo taladad lawareegay waxa kale oo kor ukacay tahriibta oo abuurmay shabakado isku xidhan Somaliland ilaayo liibiya taasina waa sharaf dhacweyn oo kutahay Somaliland waxaa kale oo lagu xasuusan doonaa musuqmaasuqii ugu weynaa ee kadhaca dalka intii uu jiray.

Taas macnaheedu maaha inaanay waxba qabaini xukuumadina intii ay jirtay lkn wax tarkeeda waxa kabatay waxyaabaha shaamaynta leh ee laga dhaxli doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here