Maxay Gudbinayaan Filimada Musasalka ahi?. Guddaha Ka Akhri Barnaamijka Diinta Iyo Nolosha Iyo Qalinkii: sheikh cabdirisaaq cabdiraxmaan xasan rakuub

0
85

Qalinkii: sheikh cabdirisaaq cabdiraxmaan xasan rakuub

rakuubMahad Alle SWT ka dib, waxa inagu so badanaya daawashada filimada anshax xumada faafiya ee ka socda muuqaal baahiyaasha afka Soomaaliga ku baxa qaybo ka mid ah. Waxa ay gudbiyaan hal fikir, oo idil ahaantood siyaabo kala gedisan uso bandhigaan. Gebi ahaantood kama baxaan guriga lagu dhigayo filimka. Taas macnaheedu waa inay uso shaqa tageen inay kala kaxayeen guri dhisna, kala dilaan eheladi, faafiyaan dhaqano aynaan aqoon. Wax iska caadi inoogu dhigaan dhaqan xumo diin iyo dhaqan aynaan u lahayn.

Inta badan waxa inagaga aafaysan haweenkii oo ku ibtilaysan, waayo hore iyaga oo aan af garanayn ayey hadana dawaan jireen, wakhtigana af-soomaali ayaaba laga dhigo ragba ku mushahar qaata.

Illahay SWT marku ka hadlayey shaydaanka iyo shaqadiisa wuxu yidhi “waxa ay dadka barayeen (shayadiintu) wixi lagu kala kaxayn lahaa ninka iyo xaaskisa”. Hadda waxa shaqada qabta shaydaanka guriga ino yaal ee aynu so iibsanay.

Inta badan waxa ay gudbinayaan waa gabadh xaas ah oo nin kale la sinaysanaysa, qaar maxaariim isku ah oo wax iska doonaya. Dad guri wada jooga oo iska dhamaan la’. Taas oo mujinaysa ehelkii in shaki iyo tushush layku dhex gelinayo. Layskana dhadhicinayo in wax iska caadi ah oo dhaca yihiin.

Rasuulku CSW wuxu yidhi “idilkiin masuul ayaad tihiin….. qof walbana wixi la raaciyey ayaa la waydin doona”. Waka si cad laynoogu sheegay, ee waxa guryaheena ka socda yaa ka masuul ah.

Illahay SWT wuxu yidhi “ku dhe haweenka imaanka laga helay laaba indhihiina”. In aad xaranta ka fogaata waa astaan imaanka mujinaysa, se ka wax walba ku kacaya waa mid aan imaan lahayn.

Rasuulku CSW haweenki so Islaamayey wuxu kula caytamayey in ay guryahooda xifdiyaan, taas macnaheedu waa in aanay khiyaamo ula iman ciddi aamintay ee ay wada joogen.

Sida darted cidda ku ibtilaysan daawashada filimadan khariban ee diinteena sida cad uga hor imanaysa in aynu ka dheeraano daawashadooda.

Rasuulku CSW wuxu yidhi “aakhiro afar ayaa lays waydin doona: waxa ka mid ahaa wakhtigaagi waxa aad kuso qabatay”, ee walaashayey ma filim ayaan daawanayey ayaad la hor tagi Illahay SWT.

Ragga ino so waaridaya dhaqan xumadan waxa aan kula talin lahaa in ay joojiyaan oo waxa if iyo aakhiro u abaal dhaanta ku badalaan.

Illahay SWT wuxu yidhi “isku gargaara samaha iyo alle ka cabsiga, hanaysku gargaarina dambiga iyo colaada”. Marka walaal maxaad dadka usi daynaysaa ee ay daawanayaan.  Mida kale inta guri ku baba’da, ama afkaartaa aad gudbinaysaan ku dhaqanta maalinta qiyaame ya la waydin doona oo la odhan doona aada so waariday.

Waxa aan aad u xusuusta aniga oo magalada Burco ku socda habeen, in aan wakhti aanu ku qiyaasnay sagaalki cawaysnimo ku yara hakanay tuullada ka sokaysa magaaladda, anaga oo maqaaxi shah ka cabayna ayaa waxa naguso xoomay xaawalay qaarkood ilmo xambarsanaayen, yaabnay oo waydinay waxa dhacay, kuye filimki ayaa la gaadho, haweenkanina way la socdaan. Waa sagaalkii cawaysnimo, banaan ayey uso baxayaan, meesha ay uso socdaan rag ajaanib ah ayaa kaga horeeya.

Maaha magaalo ee waa tuulo ayaan ku idhi meeshu, kuwi magaalada joogay maxaad u malayn?.

LA SOCO QEYBAHA KALE EE BARNAAMIJKA DIINTA IYO NOLOSHA OO UU INOO DIYAARIYO SHEIKH CABDIRISAAQ CABDIRAXMAAN CABDILAAHI XASAN RAKUUB

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here