Dugsiga sare : 4 sanno oo u dhiganta 1460 maalmood, waxaa laga saarayaa 288 fasaxyada caadiga ah waxaa soo hadhaya 1172 maalmood oo maalintiiba 5 saacadood
Kabo tole xafiis loo tirshey
Oo tolan u soo jeexdey
Hadduu qalinka teelteel u dhigo
Taasi yaab ma le “xaaji Aadan Af-qalooc”
{ Qoraa Abdinasser Ahmed Ibraahim, E-mail- somaliland_author@yahoo.com, phone 4442363
Sida laga wada dheregsan yahay saraakiil baddan oo dowladda xilal sarsare inooga haya aqoonta nooca dalkeena aad ka looga tixgaliyo ee ay ugu horreyso af-miishaarnimada, iyo inaad reeraha kala taqaan aadna ugu xeel dheer, oo sidaan qabo intaas uun xilka ku haya. saraakiishaa oo aan ka xusi karo af-hayeenka madaxtoonyada Jamhuuriyadda soomaalilaand Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul), wuxuu ahaan jirey wariye weyn oo guud ahaan dalka si weyn looga yaqaano.
Marka aan qoraalka xafiiskiisa ka soo baxa gefef ka ku
jira aan arko, waxaan astaanta su’aasha saarayaa illaa wariyenimadiisii hore in wax badani ka qabyo ahaayeen.
Wakhti waxbarasho…
Dugsiga hoose dhexe : 8 sanno oo dugsi hoose dhexe ah waa 2920, maalmood, waxaa ku jira 557, fasaxyada caadiga ah, celcelis ahaan waxaan waxbaran jirnay2366 maalmood, oo Maalintiiba 6 saacadood oo kamida ayaan fasalada ku jiraynay, taasoo marka saacado loo badalo noqonaysa 14,196, saacadood ayaan wax soo baranay, wakhtigii dugsiga hoose dhexe,
Dugsiga sare : 4 sanno oo u dhiganta 1460 maalmood, waxaa laga saarayaa 288 fasaxyada caadiga ah waxaa soo hadhaya 1172 maalmood oo maalintiiba 5 saacadood aan waxka barano wadarta guud ee saacadaha aan Dugsiyadeenii sare ku soo dhammaysanay waa 5860 saacadood.
Jaamacad / Kuliyad : 3 sanno oo la mida 1095 maalmood, fasaxyada caadiga ah 216, tirade guud ee maalmaha casharada loo xaadiro ,879 oo maalintiiba 5 – saacadood aan wax barano waxay noqonaysaa . 4395 saacadood.
– wadarta guud ee sannadaha aan wax soo baranaynay: 15- Sanno,
– wadarta guud ee bilaha aan wax soo baranaynay: 180 bilood
– wadarta guud ee Maalmaha aan wax soo baranaynay: 4417, maalmood
– wadarta guud ee saacadaha aan wax soo baranay: 24451, saacadood.
Hogo-taasaalaha kor ku qoran wuxuu soo gudbinayaa, sooyaalka aqooneed ee qofka wax barta, aynu eegno af-hayeenka ama masuulka kale ee wax bartay ee waliba intaa oo dhan wax baranayey. macquul ma tahay inuu Qoraal soomaaliga khaldo.
Waxaa ugu weyn ee meesha yaalaa waa ” wixii waraaq , qoraal dowladeed ah in loo fiirsado mihiimadeed ayay leedahay, waanan ku ceebaysanahay “, qoraalada dowladda ha laga daayo in lagu qoro Majlisyada, qof aan mirqaansanayn oo marxalad caadi ah ku jiraa ha qoro ha la tafaftiro.
waxaan qormadan ku bilaabay maanso uu lahaa Allah ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee “xaaji Aadan Af-qalooc” waxaan ku soo gabo-gabeynayaa maanso kale oo uu lahaa isna Allah ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Ibraahim Sheekh Salleebaan (gadhle) taasoo ay ka mid ahaayeen:-
Inan kaan quraankiyo,
Qaala aan u dhigi jiray,
Qul a cuudu muu baran,
Inkastaanu wali qorin,
Qaaf iyo Ha iyo wow
kama quusaanayee
Khadka iyo dawaadiyo
Qalinkaan la daba socon…..
(Maddax badani inkastoo goobo wax barasho ay tageen kama faa’iidin oo wali ma baran af-soomaaliga qoraalkiisa, anigaa is lahaa qoraalka kuma wanaagsanid xaaji ayaan u noqonayaa iyaga, waxaanse anuu qirayaa in wax badani iga qabyo yihiin. Siduu abwaanku sheegay, ana ka quusan maayo’e, wali waxaan ku boorinayaa inay wax bartaan)