MAXAA KA JIRA IN Maayarka Gabiley Hantiyey Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanadii Mooshinka Ku Oogayay

0
69

Xasaradihii Golahaasi Ka Socotay Oo Hoos U Dhacday Iyo Mooshinadii La Abaabulayay Oo Demay
Hargeysa (Hubaal)- Maayarka Golaha Deegaanka Gabiley Shacayb Maxamed Muuse ayaa la sheegay inuu iibsaday saddex xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanadii mooshinka kuwaday kuwaasi oo Doraad si lama filaan ah loogu dhex arkay saddexdaa xildhibaan oo ka soo jeestay dhinacii xildhibaanada muxaafidka ah ee difaacayay maayarka iyo maayar ku xigeenka Gabiley,waxaanay arintaasi keentay in xaraaradii xilka qaadista maayarka iyo maayar ku xigeenku si weyn hoos ugu dhacdo, iyada oo ay meesha ka baxday cabsidii laga qabay inay gacmaha iskula tagaan xildhibaanada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaridka ahi maadaama oo mooshinkaasi ay wateen aqlabiyada golahaasi hor istaagiisuna cuslaa.

gabiley

Magacyada saddexda xildhibaan ee la iibsaday ayaa waxay kala yihiin xildhibaan Cabdisamad Sheekh Aadan(Jamaado) xildhibaan Cali Maxamed Sheekh Saleebaan iyo Xildhibaan Cali Axmed Yuusuf (Cali Duul Duul), waxaanay saddexdaasi si toos ah ugu biireen kooxda xildhibaanada ah ee maayarka Golaha Deegaanka Gabiley taabacsan ee ka soo horjeeda in xilka laga qaado,arintaasi oo lafjab ku noqotay kooxdii kale oo in mudo ah aqlabiyadu u buuxday raadinayayna kalfadhi ay talada kaga marooriyaan maayarka iyo maayarku xigeenka golahaasi iyagoo dhawr jeer dalbaday kalfadhigaasi oo ay xukuumadu ka hor istaagtay. Waxa ay saddexdaa xildhibaan ee maayarku lacagta ku laaluushay soo afjareen weerarkii walka walka lahaa ee maayarku ka seexan waayay waxaana la sheegay inuu maayarku saddexdaa xildhibaan isna dhaariyay oo ay laba jeer dhaarsan yihiin.
Qaar ka mid Xildhibaanadii ay ka soo goosteen saddexdaa xildhibaan ayaa sheegay inay nimankaasi yihiin niman ridoobay oo dhaar galay oo hadana dhaartii ixtiraami waayay,waxa ay sheegeen inay dhaartii kala cuslaatay kala fududaatay lacagtii ay maayarka ka qaateen inkasta oo aanay sheegin cadadka lacagta ay saddexdaa xildhibaan ka qaateen maayarka balse waxa ay balan qaadeen qaar magacooda qariyay oo aanu la hadalnay inay dib ka soo sheegi doonaan cadadka lacagta ay nimankaasi maayarka ka qaateen. Waxaa xalay ilaa habeen hore si weyn Gabiley looga hadal hayay saddexdaa xildhibaan ee mar keliya ku wareegay dhinaca muxaafidka iyo guusha uu hantiyay maayarka oo aan lagu ogayn nin qorshe siyaasadeed oo uu ku furfuri karo xildhibaanada ka bahoobay dejin kara. Maayar Shacayb ayaa lagu tiriyaa maayarkii ugu liitay ee soo mara degmada Gabiley xaga habdhaqanka hagista golahan,waxa uu ka madhan yahay xigmad iyo madadaalin uu la soo hor fadhiisto xildhibaanada doortay waxaanu inta badan buuraa afka taasina waa arinta keliya ee loo aanaynayo inay ku kicisay aqlabiyada golahiisa inay isku bahaystaan inay xilka ka tuuraan oo uu dirqi ku sigto. Waxa kale oo lagu tiriyaa maayarkii ugu nasiibka badnaa ee ay kuraasta u soo fadhiistaan niman aan intooda badani hore maamul u soo qaban waana ta uu maayarnimada ku hantiyay maadama oo uu dheer yahay xilkii wasiirnimo ee uu afarta saacadood ahaa dawladii Riyaale .
Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ee doorkan kuraasta ku fadhiya ayaa iyagana waxaa lagu tiriyaa golihii u liitay ee soo mara gabilay iyadoo la ogyahay inaan aqoon lagu soo xulin ee reernimo iyo jufo hoosee lagu soo xolay hadana way yar yihiin inta leh hanaan hogaamineed iyo aqoon ay ku socod siiyaan hawshii loo soo doortay oo ah inay fahmaan waxa ay shaqadoodu ku tahay keliya hebel goorma aynu ridnaa iyo hebel maxaynu dhaqaale ahaan ku qabnaa mooyaane. Waxaa la ogaaday in inta badan xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley aanay fahamsanaynba mihiimada wixii loo soo doortay iyo halka ay bulshadii soo dooratay ka buuxinayaan,waxaanay taasi dhaxal siisay inay noqdaan bilaa camal majlisyada iyo makhaaxiyaha kaga sheekeeya siraha dahsoon ee ka qorsoon bulshada ,khidaha la isla gaadayo,laaluushka lakala qaato iyo god daloolooyinka maamul ee gudahooda ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here