Maxaa Fashiliyey Siyaasadii Socod Baradka Ahayd Ee Maxamed Qabo Se Maxay Madaxtooyaddu Ilaa Hada Xil Ugu Dhiiban Wayday?

0
25

Siyaasiga socod baradka ku ah saaxadda siyaasada jamhuuridda somaliland ee Maxamed Ibraahim Qabo,oo soo shaac baxiisa dhinaca siyaasada lagu arkay ama fagaaraha siyaasada ka soo dhex muuqday wakhtigii doorashadii Golaha Deeganka gaar ahaan urur siyaasadeedkii Xaqsooroo uu u qaabilsanaa dhinaca qaarada yurub,wakhigaasi oo uu door muhiim ah ka ciyaari jiray ololihii ururkaasi sida ay dadka qaarkood sheegaan,waxaana ay dadku inta badan ku barteen hadalo diwaanka u galay oo uu meelahaasi kaga tiraabi jiray in uu madaxwayne silanyo ku dacwaynayo xasuuqii ay xukuumadda silanyo ku xasuuqday dhalinyaradii xaafadda Axmed Dhagax ee magalada Hargeysa,taasi oo uu dad badan oo run ka moodayey kaga urur saday kumanaan kun oo Dollar sida ay sheegeen qaar ka mid ah jaaliyadda somaliland ee qaaradaha yurub gaar ahaan taageerayaashii xaqsoor.balse intaanuu ka midho dhalin waxa uu banaanka soo dhigay ee uu waliba u ololeeyay ayaa markiiba u xuub siibtay dhinaca xukuumaddii uu sheegi jiray in uu hogaamiyaheeda maxkamadda soo taagayo,taasi oo loogu yaboohay qadar lacageed iyo in loo dhiibi doono xil,waxaana dhacday in uu isla markiiba dalka yimaado isaga oo ka soo kicitimay magalada London ee dalka Ingiriiska oo xarun u ahayd,taasi ayaa shaki wayn galisay dadkii ku taageeray arrinkii maxkamadaynta iyo waliba taageerayashii ururkii xaqsoor,markii uu dalka soo gaadhay waxa uu isla markiiba bilaabay in uu warbahinta hadalo amaan iyo guul wadayn indho la`aan ah oo aan looga baran u diro xukuumadda silanyo,iyada oo ay duuban yihiin ama ay sii qoyan yihiin hadaladii ahaa silanyo maxkamadda soo taagayaa iyo dhaliilo aan gabasho lahayn oo uu ku hurgufi jiray xukuumaddan uu u xuub siibanayo,waxa uu xidhiidhka u jaray jaaliyadii uu qorsha ku abaabulay ee ahaa in sharciga caalamiga ah loogaga aargudo madaxwayne silanyo caruurtii uu RRU-da u adeegsaday ee xabada lala dhacay,kuwaasi oo xataa uu ka ururiyey lacago kumanaan kun gaadhaya,oo uu ugu macneeyay in lagu gali doono hawsha maxkamadaynta iyo in la siiyo garsoorayaal dacwada qabta.

 

f2a7773de0fb03c8e2b54157ac851fa1_L
Mr Qabo ayaa isla markiiba bilaabay in uu duro ama hadalo aan macno wayni ku fadhiyin uu ku duro Gudoomiyihiisii Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac kaasi oo ahaa hadal ay soo dhexmarsanaysay madaxtooyadu,waxaana isla wakhtigaasi bilaabmay wada hadalo ururkaasi iyo xukuumaddu ay wada furteen balse iyada oo aan laga midho dhalin ama intii aanuu burburin ka hor ayuu isagu gooni isu sii taagay isla markaana waxa uu ahaa shaqsiyaad hungurigu hogaamiyey oo hilaacii beenta ahaa run moodayey.Dadkii bartay intaasi ololaha ayaa ay amakaag iyo layaab ku noqotay ficiladiisa kaafka iyo kala dheerida ah ee u kala dhexeeya hadaladiisa uu maalmo gudaheed ku kala hadlay,iyo sida uu ugu sii dhawaanayo xukunkii uu ku sifayn jiray waxaanu waligii ku fikirin in somaliland galayso xukunka noocan oo kale ah,waxaa uu halkaasi uu ku lumiyey taageerada beesha uu ka soo jeedo iyo cid kasta oo u haysatay siyaasi soo kacaya balse uu ka siibtay salaanka tadawurka toosan ee hore loogu socon karo.waxaana si buuxda looga quustay markii uu ku dhawaaqay in uu ku biiray xisbiga talada haye ee kulmiye,madal lagu soo dabin lagalinayo ayaa isaga iyo rag sidiisa dhadhamo raacayaal ahi ay xafladd ballaadhan oo soo xero galin iyo balan qaadyo been ah ay sawir kula gashay Hotel maansoor,waana maalintaa madaxtooyadu soo afjartay dantii gaarka ahayd ee ay ka lahayd madama ay ka gubtay baalkii uu ku sii wadan lahaa soo bandhigida waxa ay indhihiisu arkayaan ee xaaladaha qalafsan iyo musuqa ay cadaaladd daradda iyo xukunka xumi leeyahay ee dalka lagu maamulo.

Waa Noocee Qaabka Siyaasadeedkiisu?

Maxamed qabo maaha in aragti iyo hami dheer oo siyaasadeed leh taasina waata sabab u noqotay in uu ku fashilmo gabi ahaanba siyaasadii uu wakhti gur-guuradka ku jiray,sababta oo ah siyaasadu kama maaranto hiigsi iyo hansare iyo in aanad noqon kuwa dhadhamada ku lamaanaysiiya damacooda siyaasadeed,taasina waa ta maanta liicisay hankiisa ku jiray.markii uu sida tooska ah ugu biiray xukuuumadda gaar ahaan xisbiga kulmiye waxa uu madaxtooyada ka qaatay waxogaa aduunyo ah oo kala badh ah intii loogu balan qaaday,waxaana loo sheegay in dhawaan uu silanyo xil u dhiibi doono sidaasina uu inta la magacaabayo uu iska deganaado magalada Hareysa taasi oo uu ilaa hada deganyahay Hotel Jirde ee Magalada Hareysa,balse ilaa hada oo sanad kor u dhaaftay waa xil suge in ka badan toban wareegto oo xilal lagu magacabayana waa laga soo saaray qasriga madaxtooyada ama silanyo xilal dadkale wuu u dhiibay taasi oo marba lagu sabo ta dambe ayaad ku jirtaa iyo kursi heblaayo ayaan kuu dhiibaynaa,in la fulin waayo wixii lagu soo xero galiyeyna waa mid ka mid ah shirqoolada lagu bartay xukuumadda silanyo ee ah in lagu soo dabin galiyo dadka dadka ay xukuumaddu u aragto in qayladoodu badato ee walib ay duufsan karo ama dabinkeeda si fudud ku gali kara,waxaana ay wararku sheegayaan in magacabistii ugu dambaysay ee uu madaxwayne silanyo magacay wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo la taliyaha dhinaca Arrimaha Bulshada uu si xun uga cadhooday qabo anay una cadaatay in anay waxba u soo socon,rajo xumaana uu ka taagan yahay,balse sidii uun lagu yidhaahdo waad soo socotaa ee naawilaad ku noolow.
Sababa Xilka Loogu Dhiibi Waayey Ilaa Hada.
sababa loo anaynayo ee ilaa hada ay madaxtooyadu xil ugu dhiiban wayday ayaa waxa ay tahay in hada danihii laga lahaa ee lagu soo xero galiyey laga dhamaystay isla markaana laga gubay dariiqii u banaanaa ee ahaa in uu dhinaca mucaaridka u jihaysto,oo anay hada cid dambe wax ka dhagaysanahayn hadii uu ku soo rogaal celiyo dhinaca mucaaradada.talabaadna waxa ay xukuumaddu aragtay in anay jirin wax taageero ah oo uu ka haysto beesha uu ka soo jeedo taasi oo haba yaraatee aanuu ku haynin wax taageero ah ama hadii ay ka fiirsan waydo cod iyo isgarab taag ah oo uu xukuumadda u soo hoynayo,waana ta ilaa iyo hada ay u cuskanayso sababaha ay xil ugu dhiiban wayday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here