Mashruuca Ololaha Waji Ku Macaashka ah oo Khamiista Soo Socota Si Rasmi ah uga Bilaamaya Degmada Laasgeel oo ah Degmo aysan Waxba u Qaban Xukuumada Siilaanyo.

0
32

Qaybtii 1aad:

Todobaadkan oo dhan waxaa socday mashruuc waji ku macaash ah,kaasi oo ay dabada ka riixayso marwada siilaanyo Aamina Weris,waxana la abaabulay koox dhalinyaro ah oo habeenadii ku shirta huteelada ,kuwaasi oo shidaalka ay ku shubato marwada siilaanyo Aamina Weris.

hadh3.jpgIlo laga helay qaar ka tirsan dhalinyaradaasi ayaa sheegay inay marwada siilaanyo meel marinta qorshaha dhagaraysan u xilsaaray agaasimaha warfaafinta ilka case ,wasiir ku xigeenka amniga Cali Gadheer iyo Sheekha Haamaha shidaalka berbera loo dhiibay,xogahan ayaa sheegay in marwada siilaanyo doonayso sidii ay u arki lahayd dhalinyaro,odayaal iyo dad kale oo taageersan xukuumada siilaanyo ,kuwaasi oo ka soo jeeda deegaanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo marwadu,deegaankaasi oo aysan xukuumada siilaanyo wax lataaban karo u qaban tan iyo markii xukunka uu la wareegay siilaanyo.

Marwada ayaa la sheegay inay kulano qarsoodi ah la yeelatay kooxo dhalinyaro ah bishii la soo dhaafay,kadibna waxay fashiliyeen qorshihii ay u sheegtay inay u dhaqaaqaa oo ahaa inay mucaaradad ku sameeyaan xisbiga UCID isla markaana si indho la u taageeraan xukuumada,kadibna qaar ka tirsan kooxdaasi dhalinyarada ah ayaa  fashiliyey qorshahaasi ,waxayna arintaasi keentay  in marwada siilaanyo ka xanaaqday kooxdii dhalinyarada ahayd kadibna waxay ku wareejisay qorshihii ay dabada ka riixasay masuuliyiinta aynu kaga sare u soo sheegnay magacyadooda,kuwaasi uu baryahanba la shirayey dhalinyaradii ,waxana la isku afgartay in mashruuc u eeg mid waji ku macaash ah oo bilow u ah olole la doonayo in siilaanyo taageero loogu raadiyo laga bilaabo degamda laas geel khamiista soo socota,waxana uu qorshuhu yahay in marwada siilaanyo Aamina Weris ,Wasiir Xirsi iyo dad la soo kirayso  kulan xafladeed u yeeshaan degmada laasgeel ee aysan xukuumadu waxba u qaban balse xiligan la doonayo in balan qaado been ah loo sameeyo si taageero loogaga helo siilaanyo.

Ma muuqato in qorshaha hantida umada lagu boobayo uu higeli doono,waayo soomaalida ayaa ku maah maahda hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho.

 

By:Ayaan Maxamed Cali

Email:ayaanladan@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here