Hargeysa(Hubaal)-Wasiirkii labaad ayaa iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo 48 saacadood gudahood.
Abiib Diiriye Nuur (Abiib timo-cad), oo ahaa Wasiirka Wershadaha Xukuumadda Siilaanyo, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii uu xukuumadda ka hayay, kaddib markii sida uu sheegay hogaamintii Xukuumaddu baahday, “Markii ay taladu baahday ee ay gacmo badan gashay, waxaan go’aansaday inaan iscasilo, laakiinse waan ka sii mid ahaanayaa Xisbiga Kulmiye” sidaas ayuu yidhi Abiib Timo cad.
Ma jiro wax Jawaaba oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku saabsan iscasilaada Wasiirrada iska casilay labadii maalmood ee is-xigay, kaddib markii wasiirkii hore ee Maaliyada oo Isku-shaandheyntii Madaxweynaha loogu bedelay Wasaaradda Waxbarashadu Axadii si rasmiya u shaaciyey inaanu xilkaas cusub ee loo magacaabay qaban doonin.
Isk-shaandheyntan madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xukuumadiisa, ayaa waxay u muuqataa mid qarxisay khilaaf culus oo soo kala dhex galay Xukuumadda dhexdeeda, taasoo ay suurto galtahay inay saamayso xubno kale oo wali xilalka sii haya.