Maraykanka Oo Diyaarada DRONE Ku Weeraray Yemen Iyo Safaaradiisii Magaaladda Sanca Oo Loo Xidhay Sababo Ammaan

0
34

Washington (Hubaal/w.wararka) Diyaaradaha bilaa duuliyeyaasha ah ayaa duqeymo dhanka cirka ka geysatay tuulada Marib oo dhanka bari kaga beegan magaaladda Sanca ee dalka Yemen,weerarkan ay diyaarada loo yaqaan Drone qaaday ayaan loo malaynayn in lagu bartilmaameed saday saraakiil sar-sare oo ka mid ah Al-qaacida-dada degan Yemen.

sirdoonka maraykanka ee magacooda loo soo gaabiyo C.I.A weli wax war ah kamay soo saarin natiijada weerarkan dhanka cirka ah ee diyaaradaha bilaa duuliyeyaasha ahi maanta ku qaadeen meelo ka mid ah dhulka yemen.

Waxa Ilaa iyo intii madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo madaxii golaha xukuumadda ee dalka yemen ay xilka iska casileen meesha ka baxay arrimahii dhanka ammaanka iyo hawlgaladii safaarada maraykanku ku leeyahay magaaladda Sanca taas oo keentay in ay yaraato xogahii ay heli jirtay islamarkaana awoodii safaarada maraykanku ku koobnaato caawinta muwaadiniinteeda xaaladda ka taagan yemen ee dhanka ammaanka guud ee dalka awgood.

droneSarkaal safaarada maraykanka ee Sanca ayaa sheegay in xarunta safaarada ay xidheen waxaana uu sheegay in shaqaalaha iyo dadka kale ee muwaadiniinta maraykanka ah ee yimid xarunta ay ku xaraysan yihiin gudaha xarunta safaarada si loogu badbaadiyo sababo dhanka ammaanka “waxaanu si isdaba joog ah u gorfaynaynaa xaaladaha ammaan,waxaanu dib u bilaabaynaa hawgaladii aanu qaban jirnay sida ugu dhakhsaha badan ay natiijadu na siiso inaanu si bad qabta u qabano.” Ayuu yidhi sarkaalkan ka tirsan safaarada maraykanku ku leeyahay Sanca

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here