“Madaxweynuhu Wuxuu Ina Leeyahay Doorashadii Waa La Qabanayaa, Hadana Wuxuun Baa Siya”

0
23

Hargeysa, (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)- ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan in doorada la qabto xilligeeda, isla markaana wuxuu sheegay in xukuumadda Axmed Siilaanyo u kala eexato wariyeyaasha iyo ha’yaddaha dawlada ee madaxa banana iyo kuwa ku hadla afkeeda oo xor laga dhigay inay baahiyaan wararka beenta, waxaanay u dhignayd khudbadaasi sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) shalayna waa uu ku celiyey,waxaa u yidhi doorashada wakhtigeedii ayaanu qabanaynaa,marar horena waa uu ku dhawaaqay.Markaa Siyaasada iyo go’aankaaba Labadaba madaxweynaha waanu ku taageersanahay,laakiin waxaa xasuustayada ku soo dhacday barigii SNM-ta ee wadanka laga qaxay ayaan ruwaayad dhagaystay,Sahra Halgan way ku jirtay ruwaayada,Alleh ha u naxariistee Maxamed Yuusuf iyo Boon Xirsi ayaa is waraysanaayey deed-na Maxamed Yuusuf oo gudaha ka yimi ayaa lagu yidhi wadankii ka waran,halkaas ayaa uu ka soo bilaabay Bariga,iyo caynabo iyo xagaa,wax waliba waa ay hagaagsanaayeen ayaa uu yidhi.Laakiin markii aan ka soo baxaayey dadku waxaa uun ay lahaayeen waxuun-baa siya.Barbera ka waran ayaa lagu yidhiyoo,waxa uu yidhi Barberi-na waa ay iska fiican tahoo kaluunkii bada ayaaba uu ka soo baxayboo wax cuna ayaaba uu waayeyboo wax waliba waa ay khayraad sanaayeen,laakiin markii aan ka soo baxaayey hadana dadku waxaa uun ay lahaayeen waxuun-ba siya.Bal Hargeysa iyo dayuuradii dadka laynaysay ka waran baa la yidhi,dayuuradii waa la soo ridayoo caruurta ayaa balaasheedii ku ciyaarta oo dadku farxadbaa ay la jiifeenoo,hadana markaan soo baxaayey waxay uun igu yidhaahdeen waxuun-baa siya.Bal waxaas naga daayo hadan ka waran dhinaca iyo barigii iyo Laan-mulaaxayo,walaahi ma joogin baa uu yidhiyoo laakiin ninkii joogay waxaa uu igu yidhi,wax walba si wanaagsan ayaa laysula afgartay,laakiin hadana markii aan ka soo baxaayey waxay uun igu lahaayeen waxuunba siya.Markaa Madaxweynahii waxaa uun uu ina leeyahay Doorashadii waa la qabanayaa Hadana waxuunba siya,Komishankii ayaa ugu danbeeyey oo waa la diiday in la ansaxiyo markaa haddaa dee Doorashada yaa qabanaya dee.Markaa waxaanu leenahay qolada Xukuumada iyo Xisbiga KULMIYE dee Siyaasada Madaxweynaha ayaanu taageer sanahayee ha la fuliyo doorashadiina ha lay noo qabto wakhtigedii haddii Alleh ka dhigo”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

 Cirro waddani

Md:Cabdiraxmaan Cirro ayaa sida oo kale waxa uu si adag uga hadlay aflagaado uu sheegay in Tv-ga qaranka iyo Jariirada Dawan oo ay labadaba ay dawladu maamusho ay inta badan madaxda ay aflagaado u gaystaan,waxaana uu tilmaamay in wariyeyaasha ka shaqeeya ee dadka aflagaadeeya lagu dalacsiiyo cayda ay caayayaan masuuliyiinta qaranka,halka kuwa kale ee iyaguna wax ka sheega dhaliisha Xukuumada loogu abaal gudiyo in Jeelasha lagu xidho.

“Cayda iyo yoo yootanka waxaa aynu bilad ku siinay Tv-ga qaranka iyo Wargeyska Dawlada ee Dawan la yidhaahdo,marka joornaal la maagayo ama wariye ee la leeyahay war khalad ah ayaa uu sameeyey xagee la geeyaa,waxa la geeya waa jeelka,oo waa la xidhaa laakiin markay ay Dawan wax caydo xagee la geeya Qaahira ayaa abaal gud loogu diraa,Tv-ga qaranku marka uu caytamo xagee la geeya Ingiriiska ayaa loo dira iyo Faransiiska inta ay dadka caayaan ayaa waliba abaal gud loogu daraayoo,waxaa ugu danbeeyey tifatiraha Dawan Sayid oo dhawr jeer oo uu ciro caayey,waxaa laygu yidhi Qaahira ayaa loo dirayaa.Markaa waxaa aanu leenahay hadaad wax ku helaysaan iska kaaya caa caaya”Ayuu yidhi Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) sida oo kale sheegay in magaalada Barbera ay tahay magaalo hal bowle u ah ganacsiga geeska Afrika,waxaana uu si aada ugu dheeraaday in ay ka Xisbi ahaan ay si aada u dhiiri galinayaan sidii ay magaalada Barbera ay u noqon lahayd xarunta ganacsiga geeska Afrika.

“Magaalada Barbera runtii waa magaalo halbowle u ah Somaliland iyo geeska Afrikaba,waa magaalo ganacsi.Siyaasada Xisbiga ee Ganacsiguna horta waa xor dastuurkuna waxaa uu leeyahay ganacsigu waa xor oo waa loo madax banaan yahay,kootaduna waa xaaraan,markaa waxaan leeyahay magaalada Barbera reer Somaliland-na waa ay u siman yihiin,dadkii aan Somailand u dhalana waa in aynu soo wada dhawaynaa,si ay magaaladu u camir mato.Anigu waxaan ku garaadsaday Barbera oo intaas oo Ajaanib ah oo cid walba leh ay ka dhex ganacsadaan oo Hindi joogto,carabi ay joogto,Baariyaano ay joogaan dadkii waxaa aynu u baahanahay in aynu soo celino,waxaa aynu qof kasta oo Muslim iyo gaalba ah in aynu Barbera keeno oo u ogalaano sidaas dadkuna ay shaqooyin ku helaan inaguna ka manaafacaad sano,waxaa aynu u baahanahay in ganacsiga la kala xadeeyo,waxaan anigu ku garaad saday Barbera oo wada bakhaar ah oo aan Hargeysi bakhaaro lahayn,oo Burco bakhaaro aanay lahayn Islaamo ayaana barigaas illaalin jiray,dariiqa aad martaba intaas oo bakhaar ayaad ku arkaysay,maanta xaqal ciidka waxaad caruurta uga soo iibisaan soo Wajaale maaha,oo sharciga ganacsiga lagu dhaqo umadduna u sinaato ganacsigana cadaalad iyo sharci lagu maamulo”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi

Ugu danbayntiina Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale uu si adag uga hadlay xadhiga muddoyinkan danbe ay Xukuumadu ku hayso Saxaafada madaxa-banaan wuxuu yidhi,”Waxaad la socotaan baryahan danbe in Saxaafada kii war wanaagsan sheegaba la xidho,waxaad la socotaan in Madaxdii Axsaabta la xidhay,waxaan leenahay labadaba waan cambaaraynaynaa xadhiga Suxufiyiinta,waxaan kale oo aan aad u cambaaraynaynaa Wasiir ka tirsan WADDANI,oo wali xidhan mudane Xasan Goodaad,waxaan leenahay dhamaantood ha loo soo celiyo xoriyadoodii,maalin dhawayd sheeko aan aad u garan waayey ayaa magaalada ka dhacday waxaan maqli jiray Hargeysa waxaa lagu xidhay dadka ku qoslay Sarkaal kufay,waxaa kale oo laygu yidhi Gar-adag Sagaal Muwaadin oo kale ayaa lagu xidh xidhay dambiga ay sameeyeen waxaa uu ahaaba la yidhi WADDANI ayaa ay ku soo biireen,wali baryahaa maynaan arag Maxkamadii Geele mid ka danbaysay oo inta ay saacad timaada dadka oo dhan xidh xidha oo dabeetana iska tagta,waxaa aynu ka warqabnaa waxaa hada loo heesayaa Horn-cable ayaa la yidhi oo dee baryahan danbe runta aad u sheega,Saxaafadu waa xor wararka ay sii daayaan dhinacna uma xagliyaan,se runta cidi ma jecla warar run ah ayaa uun uu sheega,warar run ah ayaa uun uu soo tabiyaa,wariye yaashuna kuwaas ayuunba ay soo tabiyaan,iyada oo arrintaas aad moodo maalintii dhawayd waxii ka dhacay guriga Farxaan,waxaa ay u eekayd si argagax badan isaga oo qoysku uu dagan yahay in laga saaray,waxaa ka muuqday talaabo ficil oo aar goosi,waxaan qabaa talaabadaas looma baahnayn”Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here