Madaxweynihii Hore Ee Dalka Masar Maxamed Morsi Oo Lagu Xukumay 20 Sanno Oo Xabsi Ah

0
31

Madaxweynihii inqilaabka xilka looga tuurey ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa maxkamad ku taala Qaahira ku ridey 20 sanno oo xabsi ah.

Mursi ayaa lagu eedeeyey in uuwax ka ogaa dilka 10 qof oo ku banaanbaxayey banaanka hore ee Madaxtooyada Masar bishii Diseember 2012. Dacwadda Mursi ayaa la sheegay in ay sii soconeyso oo lagu soo oogi doono saddex denbi oo kale oo aad u culus.

Egypt's Islamist former president Mohamed Morsi in courtMaxamed Mursi waxa uu ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee shacabka Masar si xor ah u soo doortaan. Waxaana inqilaabey Hoggaamiyihii Milteriga ee isagu magacaabey Cabdulfataax Sisi, kadib mudaharaadyo is-dabajoog ah oo ciidamadu soo abaabuleen.

Markii inqilaabku dhacay waxaa taageerayaasha Mursi ay isugu soo baxeen jidadaka waaweyn iyo shaaracyada iyaga oo dalbanaya in shacabka loo soo celiyo Madaxweynihii ay doorteen, waxaana ciidamadu dileen boqolaal qof, dilkaas ma jirto cid loo xidhey.

Shaaraca Raabica al-Cadawiya oo kamid ahaa meelaha ay saldhiga ka dhigteen taageerayaasha Mursi ayaa lagu diley dad ka badan 817 qof, waxanaa hay’adda Human Right Watch ku tilmaantey denbi ka dhan ah bini’aadanimida.

Kumaankun qof oo ah taageerayaasha Mursi ayaa xabsiyada la dhigey kuwaas oo qaarna lagu xukumey madaxaagu ha ku furto, kuwana la del-delay, halka qaarka kale aan la ogeyn xaaladooda..

Sanadkii 2014 waxaa Maxkamadda Masar ay dil ku xukuntey 1212 qof, waxaana kamid ahaa Hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Baadiye.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here