Siddii Berigii SNM-ta Xilka Lagaga Qaaday Siilaanyo Maantana Hala Tuso- Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

0
40

Balan-Qaadyadii Beenoobay Ee Siilaanyo Berigii Dadka Ku Beer-Xaadhay

Balan qaad yadii Axmed siilaanyo iyo hadaladii uu soo yidhi xiligii uu kursiga doonayey waxa ka mid ahaa: 1. Aniga haddaa i doorataan maalin la ii kordhin maayo, wey ku beenewdey oo sannad iyo dheeraad ayaa loo diyaariyey. 2. Aniga haddaa i doorataan musuq maasuq igu maqli maysaan, wey ku beenewdey oo lacag aanay cidi ogeyn ayuu soo samaystay. 3. Aniga haddaa i doorataan mar wadayda arki meysaan, wey ku beenewdey oo waxaynu aragnay iyadoo raxan wasiiro ah hogaamineysa. 4. Aniga haddaa i doorataan saxaafadda waan hore marinayaa, wey ku beenewdey oo badh wuu xidh xidhey, badhna lacag ayuu u adeeg seedy, oo waxba kama sheegaan intii kalena cabudhin iyo caga jugleyn ayaa lagu hayaa.Mujaahid-Cali-Xaraaro

5.Aniga haddaa i doorataan aqoosiga waan keenayaa, wey ku beenewdey oo maamul goboleed ayuu saxeexay inuu somali land ka dhigo.

Hadaba akhriste haddii waxaas oo dhami jiraan, isla markaana cadaymahoodii jiraan maxaa kuu yaala?.

Waxaan intaas ku darayaa xiligii uu ahaa jeer mankii ururkii SNM siddii xilka lagaga qaaday waxa lagu yidhi; hadaad imika xilka dhiibi weydo inta lagu xidh xidho ayaanu Siyaad Barre kuu geyn markaasuu arkay sida loo nacay ka dibna sidaas ayuu ku tegey, maantana in la tuso sida loo nacay oo hadduu si fiican ku tegi waayo si xun uu ku tegi doono.

Qalinkii: mujaahid Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here