Sanca (Hubaal) Madaxweynaha dalka Yemen Abu Rabiic Mansuur hadi ayaa gebi ahaanba iska casilay xilkii madaxweynenino ee dalka Yemen,maalin ka dib markii xukunka laga tuuray ra’iisul wasaarihii iyo madaxii golahiisa,waxaana isbedeladan xoogan ee dhanka siyaasada guud ee dalka yemen ay yimaadeen ka dib markii heshiiskii u dhexeeyay dowladda yemen iyo xoogaga Xuutiyiinta uu burburay.
Iscasilaada madaxweyne Hadi iyo saraakiisha ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee xooga xuutiyiintu xukunka ka ridaan tan iyo maalmihii u dambeeyay ee Xuutiyiintu soo qaadeen dagaalka ay awooda xukunka kula wareegeen caasimada dalka Yemen,waxaana iscasilaada Hadi iyo saraakiisha ka horeeyay madaxii ugu sareeyay ee ciidamada oo la afduubay maalintii Sabti waxaana maalintii Salaasada ay xoogaga xuutiyiintu qabsadeen aqalkii madaxtooyada ee dalka yemen.
Rabshadaha ka socda dalka yemen ayaa waxay salka ku hayaan dano dhanka xuduudaha ah oo Maraykanka iyo xulafadiisu wadaan,waxaana dowladda yemen ay qeyb weyn ka ahayd xulafada la dagaalamaysa Al-qaacidada gacanka carbeed ee saldhiga u ah dalka yemen,kuwaas oo weeraro kaga soo duula sida weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo ee dalka Faransiiska.
Dowladda maraykanka ayaa kaga jawaabtay qaska ka socda Yemen inay yareyso oo qudha dadka ka jooga safaaradeeda Yemen,sarkaal sare oo dawladda maraykanka ka tirsan ayaa habeenimadii Khamiista mar uu ka hadlayay yidhi “inta ay safaaradeenu furan tahay oo ay shaqadeedu socoto waanu sii wadi doonaa si aanu dib helno macluumaad ku saabsan xaaladda” ayuu yidhi sarkaalka maraykanka ahi.
Mr Hadi ayaa gurigiisa ku go’doonsanaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay isku gadaameen dagaalyahanno Xuutiyiin ah.
Waxa uu sheegay in aanu xukunka sii wadi karin, maadaama Xuutiyiinta ay ka baxeen heshiis ahaa in ay go’doominta ka qaadaan aqalka madaxweynaha.
Iscasilaadiisa ayaa noqon karta wadada keliya ee furneyd madaxweynaha.
Jabhadda ayaa si shaac baxsan u soo dhaweysay iscasilaadaasi, balse ma ahan wax ay doonayeen,Xukun weliba oo ay Xuutiyiinta sameeyaan, ayaan laga aqbali doonin Koonfurta dalka, oo ah halka ay ku nool yihiin Suniyiinta leh aqlabiyada dalkaasi,Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah in garabka Al-Qaacida ee dalkaasi ka howlagala, uu ka faa’iideysto jahawareerkan siyaasadeed.
Mustafe Mohamed
Hubaal Media Network
Hargeysa Somaliland