“Madaxweyne Waxaa Si Caafimaad Qabta Kuugu Soo Jeedinayaa Inaad Kala Dirto Guddidan Biyo Balaadhinta Oo Loo Daayo Wasaaradda Biyaha”

0
25

AKHRISO: Aadan Dhoolayare Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Kala Diro Gudida Biyo balaadhinta Hargeysa

HARGEYSA (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaallada Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu kala dirro Guddida culus ee uu u saaray hanaanka loo maamulayo biyo balaadhinta caasimadda, kuwaasi oo uu tilmaamay inay culays hor leh abuuri karaan isla markaana ay guux gelin karaan mashruucan muhiimka ah. Aadan Dhoolayare waxa kale oo uu ku baaqay in hirgelinta biyo balaadhinta caasimadda ay ku habboon tahay in faraha looga qaado wasaaradda Biyaha ee ku shaqada leh.

Wasiirkii hore ee cadaalladu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal dheer oo uu ku baahiyay bartiisa Face-book-ga, waxaanu kaga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hawsha biyo balaadhinta caasimadda oo soo socotay muddo ku siman lix sannadood, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Waxaan qalinka u qaatay,inaan ka hadlo arrin beryahan dambe soo noq noqonaysay,warkeeduna aad looga hadal hayo caasimada Hargeysa,taas oo ah mashruuca biyo gelinta ee magaaladda kaas oo soo jiitamayay muddo  lix sanadood ah.Kana soo bilaabmay xiligii  xukuumaddii Rayaale,markii riigi ugu horeeyay ay innagu caawisay dawladda Imaaraadka Carabtu.

 Riigaas markii uu ka soo degay dekedda Berbera waxa uu amar ku bixiyay xiligaas Madaxweyne Rayaale,in toos loo geeyo koonfurta magaalada si biyo dhakhsa ah loogu soo saaro biyo ay magaaladu ku kala nafisto,oo loo helo biyo. Madaxweyne Rayaale cidna kalama uu tashan,laakiin si toos ayuu amarkaas u bixiyay. Nasiib darro,iyadoo qoladii riiga masuulka ahayd aanay kala tashan wasaarada macdanta iyo biyaha,ayay  ku bilaabeen goob aan sida uga fogayn madaarka koonfurtiisa iyaga oo aan qaadin nooca ciida oo aan la tijaabin,laakiin baahi deg deg ah oo loo qabay darteed may dhicin in la ogaado meesha ku haboon in la qodo.

Riiga iyo soo saarista biyaha waxa gacanta ku hayay madaxtooyada. Dadweynaha reer Hargeysa guud ahaan wey soo dhaweeyeen arrintaas,meel kasta oo magaalada ka mid ah waa laga hadal hayay oo la saadaalinyay in biyo laga helo koonfurta magaalada kamanay dhalan guux iyo war si xun loo sheego,nasiib darro ilaahay ma qadarin in lagu guulaysto biyo la helo,sababo la xidhiidha xag farsamo awgood. Iyo dhererka riiga oo ka gaabnaa cabirka la filayay in lagu gaadhi karo biyo waa xag farsamo uun.

War khaldan oo soo baxay oo ku koobnaa farsama yaqaanadii riiga ayaa si khaldan u baxay,ka dib waxa dhacay iska horimaad iyo mudaaharaadyo todobaad socday oo kala xidhay magaalada runtiina nabad-gelyada khatar geliyay dadna wey ku dhinteen.

aadan-dhoolayare22Hadaba iyadoo gadaal laga ogaaday khaladkii dhacay inaanu xukuumada ka iman laakiin ay dadku tuhmeen xukuumada lagana shaqeeyay war xumo tashiil sababay inuu khasaarahaasi yimaado. Waxaa ka dambeeyay inay dawladii aaradka Carabtu ku baraarugto in shacabku baahi badan u qabaan in magaaladu biyo hesho,waxay ku tabarwaceen in meesha ugu dhow magaalada biyo looga helo.

Waxaa laysla gartay in Xunba weyne laga qodo ceelal loo jiido dhinaca koonfureed iyo barriga iyo koonfur galbeed ee magaalada meelahaas oo ah meelaha ugu baahi badan magaalada iyadoo guud ahaan magaaladu aanay helin biyo ku filan. Sidaas oo ay tahay dadweynaha magaaladu wey ku faraxsanaayeen in la soo kordhiyo biyaha magaalada oo laga keeno meeshi looga helayaba shacabkan aan weligood biyo ka haqab bixin.

Runtii mashruuci biyo soo jiidshadii magaalada wuu jiitamay,waxaynu ognahay deeqaha ay bixiyaan Carabtu inuu ka sahlan yahay deeqaha reer galbeedku bixiyaan oo dabada la is haysto inta badan aanay waxba ka hirgelin mashaariicdaas haddi uu hirgalana wax ka yar rubuc wixii ay ku baaqeen ayaa dalka gala iyo dib u dhacyo iyo isbedelo fara badan oo lagu sameeyo.

Hase yeeshe mashaariicaha carabtu bixiyaan si dhakhso leh oo fudud ayuu u hirgala. Laakiin mashruucan biyaha Xunbaweyne wuu ka duwan yahay oo waxa ku yimid dib u dhac,aan la fila hayn xikuumada Madaxweyne Silaanyo waxay ka dhaxashay mashruucan xukuumadii ka horaysay waxaan la filayay inuu hirgalo sadex sano ka hor. Intaan waayo araga u noqday xukuumadaha Somaliland waxay ka liitaan daba galka ama Follow up,oo aad moodo inaanay wasaaraduhu samayn daba galka mashaariicaha aynu helno.

Si kastaba ha ahaatee,mashruucan waxaa galay laaxin ku dhex abuuray bulshada kala shaki iyo tuhuno siyaasadaysan oo aan looga baahnayn mashruucan oo kale wax aynu helay dal islaanimo aynu wadaagno oo ay ilaahay hortii u baxsadeen. Hadaba miyaanay ceeb inoogu filayn in ay soo baxaan tuhuno lagu dhex abuuro magaalada oo naftu ay biyo la’aan u hayso kana siman yihiin.

Waliba nasiib darro loo sibir saar wasiirada xukuumada lagana yaabo inaanay ku jirin tuhunkaas,laakiin Soomaalida tidhaa dayaxa iyo dugsigu isku toosana. Waxaa isweydiin mudan maxaa u keenay tuhunkaas iyo shakiga.Mashruuc aynu ka helo dalalka khalijka kan waxa ka horeeyay mashruucii dhismaha madaarka,oo u hirgaly si caaqibo leh dadkuna kaga nasteen safarkii Berbera ee dheeraa,inkasto in badan lagu xag-xagtay wasiirka duulista hadana waxa u si sharaf leh ugu guulaystay hirgelintii mashruuca taas oo cadeeyay  in wax aan jirin waxa laysku sheego laakiin marka dambe dayaxu hor yimaado taariikhduna qortay wax qabadkiisa tuhuna ka raacin.

Hadaba maxaa keenay inuu sidaa wanaagsan mashruuca Kuwait bixisay u hirgalo looma samayn guddiyo Wasiiro ah oo faraha loo geleyo wax aanay shaqo ku lahayn,waxa ku koobnaa oo qudha Wasiirkii ku shaqada lahaa madaarkiina dadka magaalada degan oo dhan ayaa ku nastay oo ku farxay waan wax la wada leeyahay.

Hadaba aniga aragtidaydu waxay tahay inaan loo baahnayn guddiyadan faraha badan ee dhawrka jeer la kala bedelay ee loo daayo cidii u madaxweynuhu u igmaday wasaarad dhan ayuu madaxweynuhu u xilsaaray biyaha,Madaxweyne si aad ugala xisaabtanto cid kasta shaqada aad u igmatay u daa isaga iyo cida uu kala maarmi waayo.

Waxa hore loo yidhi dabaakhyada badani maraqa wey kharibaan. .Waxaa hubaal ah haddii aanad u dayseen Wasiirka duulista shaqadiisa inaanay u hirgasheen shaqadu.

Maadama aad ku aamintay xil umadeed  Wasiir kasta waa inuu shaqada wasaaradiisa qabtaa si aad ugala xisaabtanto wixii aad u igmatay oo aan dabada xaska u gelin,iyo marmarsiiyo uu helo haddii u shaqadiisa ka soo bixi waayo.

Mudane Madaxweyne waxaa si caafimaad qabta kuugu soo jeedinayaa inaad kala dirto guddidan lugaha isku martay,shacabkana ka dhex abuuray buuqa iyo shakiga ,khatarna gelin karta nabadgelyada magaalada,haddii kale waxaa dhici karta inuu cadawgeenu ka faa’iidaysto arrintan.Biyo gelinta magaaladu waa wax fudud umana baahna waxan oo Wasiirro ah,waana waxa keenay maanta guuxa badan ee ku jira magaalada kala dir Madaxweyne,si fudud ayay ku dhammaan doontaye oo ha ku koobnaato Wasiirka biyaha iyo qolada bixinaysa mashruuca.

Waxa sabab u ah shakiga guddidan badan oo aan waxba heshiis ku ahayn buuqna geliyay magaalada. Mudane Madaxweyne magaaladana waxa ku jira war xuma tashiil waxaana cuslaaday murankii  sababtuna waa gudida culus,ayaa cuslaysay kala shakiga khatarta ah. Waxaan Madaxweyne kuu rajaynayaa adiga oo ka shidaal qaadanaya mashruucii  madaarka ee ku koobnaa wasiirkii ku shaqada lahaa ee sida fiican u fuliyay. Wa bilaahi tawfiiq.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here