MADAXWEYNE, Waanu Arag-naayoo Wuu Kugu Soo Baxayaa! Guddaha Ka Akhri Sheeko Xikmadeysan

0
122

Sheekadan waxa magaceeda la yidhaa KOODHKII WAREEGAYAY

koodhSheekaba sheekey keentaaye, waxa jiray nin la odhan jiray Cabdule oo waxoogaa adduunyo ah ku nabnabtay magaalo uu ku noolaa, oo dukaamo ku lahaa magaaladda uu ku noolaa,waayaha iyo wakhtiga isbadalaya ayaa waxay keeneen in Cabdule uu musalafo oo dukaamadii iyo waxoogaagi uu haystay ay ka kaceen,ninkii cabdule beydh ma hayo oo wuxuu noqday baaniyaal kacay,wuxuu sidaa ahaadaba arroor arrooraha Ilaahay kamid ah ayaa Cabdule oo magaaladda dhexmaraya oo keligii meel iska socda oo sidii uu alaab kala jabaysa ama shey qaali ah oo uu dhulka ka ilaalinyo gacmaha sare u haya ayaa waxa kusoo baxay nin ay isgaranayaan oo waagii uu meheradaha lahaa isugu dambeysay,dabadeed ninkii garanayay Cabdule ayaa hadalkii kaga horeeyay oo ku yidhi cabdule: “waar Cabdule maxaad sidataa ee aad gacmaha sare ugu haysaa” intaas markuu yidhi ninkii ayaa Cabdule hadalkii qaatay oo ugu jawaabay “waa koodh Dabah ka samaysan oo Malag ayaa xalay riyo iigu keenay,waxaana uu Malagu uu ii sheegay in koodhkani uu ka samaysan yahay Dahab islamarkaana waxaa arki kara oo keliya Qofka wanaagsan, intaa markii uu ku yidhi Cabdule ninkii ayaa nikiina waxa uu ku hadaaqay “waan arkayaa oo walee waa koodh dahab ah alla..alla dhalaal weynaa” buu yidhi ninii oo wax uu arkayo oo Cabdule gacmaha ku sitaaba aanay jirin,dabadeed dadkii magaaladda joogay haku soo uraraan Cabdule markuu u sheegay waxa uu gacmaha ku hayo ugana sheekeeyay sida uu ku helay ayaa iyadoon qofba hadal kasoo bixini uu ninkii ay isgaranayeen Cabdule lasoo booday inta uu xagaa iyo dadkii ku soo ururay u jeestay yidhi “anigu waan arkayaaye meydaan ila arkeyn” dadkii baa iyana qaar yidhaahdeen waanu arkaynaa dhalaalkiisa iyo quruxda koodhkan Cabdule haysto, ileyn waakan yidhi Cabdule Qofkii wanaagsan uun baa arki karaya koodhkane….inta aragtay ayaa intii wanaagsanayd ah (hada wax la arkayaaba meesha ma yaalaan-ba)!!!!!!!! iyadoo ay sidaa tahay ayaa sheekadii magaaladdii oo dhan ku fiday waxayna gaadhay boqorkii madaxweynaha ka ahaa magaaladda markaasuu boqorkiina doonay inuu arko ninkaa la sheegayo ee koodhka dahabka ka samaysan haysta oo yidhi “ninkaa halay keeno oo waan u baahnahay” ninkii ugu hor arkay koodhka dahabka ka samaysan ee Cabdule watay oo kamid ahaana raga qasriga boqorka ka agdhaw ayaa u tagay cabdule oo ku yidhi “ina keen waxa ku doonaya boqorkiiye oo loo sheegay warkaagiiye oo aan kuu geynayaa” dabadeedna ninkii Cabdule waa uu ogolaaday dalabkaa uga yimid boqorka waana uu raacay ninkii, waa maalin Sooroga ah(Khamiis) oo aalaaba boqorku waxa uu shir isugu yeedhaa golahiisa wasiiradda oo ay iska xog wareystaan hawlahii toddobaadkii tegay isuna faraan hawlaha ka soo socda, madashii shirka oo boqorkii ay hor fadhiyaan wasiiradiisii ayaa waxa soo galay ninkii loo diray Cabdule oo u sheegay boqorkii inuu wado ninkii Cabdule ahaa, boqorkiibaa u sheegay ninkii inuu soo galo Cabdule dabadeed cabdule soo gal hoolkii shirka Bil amaara markii uu Cabdule soo galay isagoo gacmahiisuna sidii u kor ugu haya ayaa boqorkii inta uu istaagay yidhi “eesha qiyaasak… bahalku dhalaal weynaa..” isagoon boqorku hadalkii dhamaysan ayaa mid kamid ah golahiisa wasiiradu inta uu soo booday yidhi “indhaha ayaaba naga soo dhici gaadhay nuurka iyo dhalaalka ka baxaya koodhkan”mid kale ayaa lasoo booday alla.. alla.. bal madaxweyne isku eeeeeg. Wasiiradii sidii loo kala guul wadeysnaa nim-ba wax dheh oo mid baa-ba la soo booday oo inta uu soo jiidhay kuraastii hor yimid madaxweynahii oo yidhi “Ha…ha..ha, haba saarin madaxweyne” golahii wasiiradu waxay mar keliya inta ay isla kaceen yidhaahdeen” MADAXWEYNE, WAANU ARAGNAAYOO WAAD KU SOO BAXAYSAA”!!!!!

Hubaal Media  Ayaa lagu daabacay oo Keliya

Soo gudbintii: H.A.K

Qoraalkii: M.M.C

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here