TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan madaxda dhaqanka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Chief Caaqil Ibraahim Yuusuf Cabdi dhagax oo maanta 28/03/2015 ku geeriyooday hargeysa laguna aasay.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, guud ahaan madaxda dhaqanka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.