Hargeysa, (Hubaal)- Xaawo Axmed Dagaal oo ah Hooyo dhashay Carruur Agoon ah, ayaa cabasho ka muujisay nin ay u dhaxaysay Dacwad muddo 20-sano ah ay isku hayeen oo soo martay dhammaan Maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliland oo ka garnaqay dhul ay isku haysteen, isla markaana dhawaan la soo gebo-gabeeyey oo ay Maxkamadda Sare ee dalku Xukun ka soo saartay, balse aanu weli ninkaasi ku qancin ee uu cambaarayn iyo eedaymo cusub ku bilaabay.
Hooyo Xaawa Axmed Dagaal oo qaar ka tirsan Saxaafadda shalay la hadashay, waxay ka warrantay waxa la isku hayay, heerarka ay soo martay dacawadda 20-ka sannadood u socotay, Xukunka ay Maxkamaddu ka soo saartay iyo dhibaatooyinka ay kala kulantay Ninka dhulkaas ku haysta. “Aniga oo ah Xaawa Axmed Dagaal, ahna Agoonta ilma Yuusuf Ibraahin Meecaad Hooyadood, aniga oo haysta Agoontaas yaryar ee ta ugu weyni tahay 10 jir, waxaan halkan ka caddaynayaa Dacwadda naga dhexaysay iyo ilma Axmed Xasan Madar, inta ay socotay dacwaddaasina muddo 20 sannadood ah ay maanta marayso.” Sidaa ayey tidhi Xaawa.
Waxaanay intaa raacisay; “Waxaanan halkan uga caddaynayaa Bulshada iyo dawladda-ba inay Dacwaddaasi soo martay Shuruudihii sharciga ahaa ee Maxkamadaha kala duwan ee dalka sida Maxkamadda degmada, Maxkamadda gobolka, Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Racfaanka oo ay dhammaysatay derajooyinkii iyo jaranjarrooyinkii sharci. Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa Xukunka Maxkamadda sare ee sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saartay dacwaddaas uu yahay Xukun sax ah. Iyagoo Maxkamadaha kale aanay u bixin dhulka aannu isku hayno ee ay Maxkamadda sare u baxday oo ay soo aragtay, waxa la isku hayay-na aanay ahayn lahaanshe dhul ee ay ahayd qorshe dhul, qorshahaasi oo uu leeyahay Axmed Xasan Madar; ‘waxa qorshe ii soo saaray laba Mitir ee waddada hore u gal’.”
“Waddadana waxa leh dawladda iyo dadweyne, ma lihin annagu oo nalagama iibin, halkii wax ahaayeen ee dadka uu ka iibiyey nagaga iibiyeen ee aannu doonaynay inaannu Gurigayaga ka dhisanno waddada uu leeyahay hore u gala way jirtay waddadu oo daammurku xataa marsanyahay, waana suuq dhexdii oo cid weliba way arki kartaa, Xukunka Maxkamaddana wuu ku cad yahay Jagooyinka, meesha keliya ee u bannaanina labada Baloodh wejahadda ay u jeedaan tahay, wax dhul ah oo Axmed Xasan Madar meesha u yaallaana ma jirto, waxa keliya ee uu nagu qasbayaa waa labada mitir ee uu leeyahay qorshaa ii soo saaray ee waddada ku ruqaansada.” ayay tidhi Xaawa Axmed Dagaal.
Waxa kale oo ay Xaawa Sharraxaad ka bixisay hadal uu Saxaafadda ka sheegay ninka dhulkaas ku haystay, waxaanay tidhi; “Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa halka uu Axmed Xasan Madar leeyahay dhulkaygii waa la dhalan rogay oo laba Mitir baannu isku haysannay, toban mitirna baa loogu daray, tobankaygii mitir ee baloodhada iiga noolaa labada Mitir ee uu igu haystay mooyaane, ayuu damacsan yahay oo uu haddana igu haystaa oo uu been halkaa ka samaysanayaa. Sidaa daraaddeed waxaan dawladda Sharafta leh iyo Bulshada sharafta leh ee Somaliland-ba u sheegayaa in Xukunka Maxkamadaha sharafta lihi ka soo saareen dacwaddan 20-ka sano socotay inay sax iyo caddaalad tahay, hadalkaygana ay ku cad yihiin. Waraaqihii aan cashuurta ku bixinayey iyo xukunnada-ba aan hayo. Dadkuna hadday is-qabtaan oo loo garnaqo mid ayuun bay gartu raacdaa, ka kalena inuu ku qanco oo sharciga u hoggaansamo ayaa fiican.”
“Waxaan leeyahay ninkaasi dulmi buu igu haystay labaatankaa sannadood, wuxu noo diiday inaannu waxayaga wax ka qabsanno, meesha Jiingado yar-yar baa ka dhisan oo aan kirooyin ka qaado, inta uu igu qabsaday ee labadaas mitir ahna inta xukun sharci ahi ka soo baxayo buuqiisa ugaba kac baan is-idhi oo waan uga kacay, immika markuu arkay qof dumar ah iyo agoon jilicsan inaannu nahay nagamuu hadhin ee weli wakaas na daba-socda ee Sharcigana u hoggaansami la’ ee Warbaahinta Maxkamadaha Sharafta leh ka fadeexadaynaya, markaa waxaan leeyahay waxaan dawladda iyo Maxkamadaha Sharafta leh ka sugayaa fulinta Xukunkaas Maxkamadda sare ka soo saartay dhulkaas dacwaddiisu 20-ka sano socotay, sidii khayr leh inay ku dhammaatana waan rejaynayaa.” Sidaa ayay tidhi oo ay hadalkeeda ku soo gebo-gabaysay Xaawa Axmed Dagaal.
Waxaanay Xaawa Warbaahinta u soo bandhigtay Waraaqaha Caddaymaha lahaanshaha dhulkaas, Ardiyadaha iyo Warqadaha ay dawladdu dhulkaas ugu cashuurto sannad kasta iyo weliba Caddaymaha heerarka Dacwaddu soo martay, go’aannadii u dambeeyey iyo Xukunka Maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay dacwaddaas.
source:himilo