Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Digreeto Uu Soo Saaray Ku Magaacabay Guddida Daraasadda Iyo U-Kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

0
22

Hargeysa (Hubaal) warsaxaafadeed laga soo saaray aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku sexeexanyahay afhayeenka madaxtooyada ayaa u qornayd sidan

madaxweyne siilaanyoMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Ujeedo:  Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                             

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                     

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Beeraha                                                                   

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                             

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka                   

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda                                                             

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                                  

 Mudanayaal,

Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here