Madaxweyne Siilaanyo Oo Kormeerka Haamaha Shidaalka Ka Dib Ku Soo Laabtay Caasimada Hargeysa+SAWIRRO

0
34

Madaxweyne Silaanyo, oo maalmahanba ku sugnaa magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera ayaa maanta kormeer ku soo maray haamaha shidaalka berbera.

Waxaana madaxweynaha halkaasi war bixin kooban ka siiyey maareeyaha haamaha shidaalka berbera sheikh Saleebaan Siciid Aw Cali, oo sheegay in ay socoto hawshii madaxweynuhu uu bil ka hor uun dhagaxa dhigay maantana ay halkaasi marayso, madaxweynuhuna waxa uu ku hambalyeeyey maareeyaha iyo maamulka haamaha sida ay isaga xilsaareen masuuliyada culus ee ay shacbiga iyo  qaranka u hayaan.

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo guryo noqday magaalo madaxda Somaliland ee hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyey madaxweynaha jidadka caasimada ilaa inta uu ka gaadhayey qasriga madaxtooyada.DSC_0119-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here