Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Iyo Doorashooyinka Inagu Soo Fool Leh

0
39

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad, doorashada inagu soo fool leh iyo dareenka mucaaradka ee la xidhiidha inaanu tartami doonin.

Madaxweyne Siilaanyo oo waraysi siiyay Tifishanka Qaranka ayaa ku adkaystay inuu doorashada u taagan yahay waxaanu mucaaradka ugu baaqay inay tartanka u diyaargaroobaan.

 Madaxweynaha-Somaliland-Siilaanyoh

Madaxweynaha oo ugu horayntii wax laga waydiiyay da’diisa iyo xaaladiisa caafimaad waxa uu yidhi“Da’du wax xun maaha, inaan awood leeyahay inaan dhaqaaqikaro iyo inaan shaqaynaayo waa ay muuqataa, waan mahadinayaa waan caafimaad qabaa oo wanaagsanahay.”

Madaxweynaha oo arimaha doorashooyinka ka hadlaayay waxa uu yidhi“Doorashadu wakhtigeedii ayay ku dhacaysaa, anagu xagayagii waanu dhamaystirnay wakhtigeedii ayay dhacaysaa, waanu ku xisaabtamaynaa oo waanu fulinaynaa, dumuqraadiyada dalkana waanu ilaalinaynaa dhinacayagana ka liicimayso, waajibka iyo xilka na saaran waanu ka soo baxaynaa.”

Ugu danbayntii madaxweyne Siilaanyo oo la su’aalay dareenka xisbiyada mucaaradka ah ee sheegaya in aanu mdaxweynuu shaqarxnayan waxa uu kaga jawaabay“Waxay ka baqayaan inaan taaganahay, waanan isa soo taagayaa oo waan caafimaad qabaa, waa inoo garoonka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here