Hargaysa (Hubaal) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh) oo ka tirsan Odayaasha Golaha Guurtida ayaa xisbiyada Mucaaradka ah ku dhalliilay barnaamij la’aan isla-markaana sheegay in aanay diyaar u ahayn wax doorasho, waxaanu amaanay Madaxwaynaha iyo xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo maanta Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hadday Mucaaradku doorasho doonayaan Xisbiyadoodu Barnaamij waxqabad malaha, waxoodu waa Cay iyo Nac-nac iyo Fool xumo iyo fadqalalo 24-ka saacdood ay wadaan, markaa Niman doorasho doonaya maaha. laakiin Xisbigu waa Kulmiye oo kale, Madaxweyne doorasho doonayaana waa inuu Siilaanyo oo kale noqdaa”
Xildhibaan Shaadh waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada Madaxtooyada ayaa sheegay “Madaxweynuhu wakhti buu qabtay oo maalin dhaafi mayso ayuu yidhi, taasina waa run oo waa xaqiiq, waayo Madaxweynuhu shacbiyaddii iyo dadkii wuu wataa, Waxqabadkiina wuu muujiyay, markaa maanta Madaxweynuhu kaba warwari maayo doorasho” ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaasi ku daray “Laakiin haddii wax si ka noqdaan Kordhin baa dhacaysa oo dawlad la’aani jiri mayso oo Guurtida ayaa kordhinaysa. kolkaa kuwan Mucaaradka ah iyaga Muddo kordhin ayaaba u wanaagsan oo ay doonayaan oo lama tartami karaan Madaxweyne Siilaanyo”
Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Mucaaradku waa dad 24-ka saacadoodba waxaad ka naxdo mooyaane wax dalka wax u tarayaba aan Odhanayn” ayuu yidhi, waxaani intaa ku sii daray isaga oo Madaxwaynaha Farriin u diraya “Madaxweynaha waxaan leeyahay, Umaddaada ayaad Kalsooni ka haysataaye ee adiguna Kalsooni muuji, ha biqin, haddii doorasho jirto diyaar baad u tahay oo dadku codkooda way ku siinayaan, haddii Muddo kordhini timaaddana dawlad la’aani jiri mayso ee Golaha Guurtidu way kuu kordhinayaan” ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh
source:dhamays