Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay In Hawl-gallada Argagaxisadu Ka Daran Yihiin Isticmaarkii Dugul-madowda Ku Habsaday+DAAWO Muuqaallo Faro Badan Oo Ku Suntan Xuskii Xalay Lagu Qabtay Xamar

0
22

Muqdisho (Hubaal)- Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah oo uu Al-shabaab ku daray ka xun yihiin gumaystayaashii Afrika ee Soomaaliya xoriyadda ka qaadatay sannadkii 1960-kii.

Mr. Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey xaflad lagu xusayey sannad-guurada 54aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya xorriyadda ka qaadatay Talyaaniga, 1 July 1960-kii, waxa uu caddeeyey in kooxaha argagixisadd ah shacabka ka hortaagan yihiin inay ku noolaadaan nabad iyo xasillooni.

“Cadowgii aan waddanka ka xoraynnay 54 sanno ka hor wuxuu ahaa gumayste ajnabi ah, maantana cadowga naga hortaagan in aan xorriyaddeenna ku naaloonno waa argagaxiso caalami ah oo isticmaalaya wejiyo iyo wiilal Soomaaliyeed. Haddaba, waa inaan si wadajir ah ula dagaallannaa cadowga argagaxisada si aan dhulka iyo shacabkeenaba uga xaraynno, meel walba oo ay ka joogaan waddankana uga saarno,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Waxa kaloo uu xusay in shacabka Soomaaliya looga baahan yahay inay kooxaha argagixisada ah ula dagaallamaan siddii ay waalidkoodii hore ula dirireen gumaystayaashii haystay Soomaaliya wixii ka horreeyey sannadkii 1960-kii, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta.

1 July“Waxa ammaan iyo boogaadin gaar ah anniga shaqsiyan iyo sidoo kale idinkaba idinka mudan ciidammada dawladda Soomaaliya oo taariikhda baal dahab ah ka galay sida geesinimada leh ay cadowga uga xureeyeen magaalooyin badan. Run ahaantii waxay u suurtageliyeen dadkeenna inay nabad iyo nolol xorriyad leh dib ugu soo noqoto. Sidoo kale, geesiyaasha ciidammada amniga oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo 24-ka saac taagan waddooyinka si ay innooga wada ilaaliyaan cadowga. Ciidankaas sharafta leh ayaa runtii ah halyeyga maanta.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Waxaan idinku wada boorrinayaa in aad si hagar la’aan ah ula shaqeysaan, una caawisaan ciidankeenna sharafta leh ee aan daraadood nabad ugu jiifano, uguna soo toosno.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan geesiyaasha Soomaaliyeed; waa suurtogal inaan magacyadooda ama wijiyadooda wada aqoon, laakiin waxaan hubaa inaad inoo dadaalaysaan habeen iyo maalinba si aan nolol amni leh ugu noolaanno.”

Waxa kaloo uu sheegay in bisha barakaysan ee Ramadaan darteed ummadda Soomaaliyeed isku cafiso, khilaafaadka dhexdoodana ku xalliyaan wadahadal iyo is-afgarad.

IMG_0952-vert206462_166070800115575_5921503_nIMG_0858-vertIMG_0815-vert

IMG_0953-tile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here