Dalabkii Midnimo Soomaali weyn Ee Turkiga, Ballan Qaadkii Cabdiraxmaan Cirro, Deeqda Maaliyadeed Iyo Badheedhihii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Ankara (Hubaal) – Dawladda Turkiga ayaa si isku mid ah casuumad ugu fidisay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Siday xaqiijinayaan warar hor dhac ahi, Xukuumadda Turkiga ayaa kulan qarsoodiya waxay ku kulan siiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Cirro. Kulan kaas oo si adag loo ilaaliyay xogtiisa, lama shaacin wixii ka soo baxay, balse siday xaqiijinayaan wararka ku dhaw-dhaw, waxay dawladda Turkigu u bandhigtay dalabkeeda ay ku doonayso midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, si dalku ugu baxo kala dhantaal naanta waa siday ku doodayaan Turkigu, taas badal keeda waxay dawladda Turkigu u qadintay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Cirro, taageero dhinaca dhaqaalaha ah, oo u sahasha inuu ku guulaysto doorashada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u ballan qaaday Xukuumadda Turkiga inuu sahli doono sidii Somaliland dhib la’aan uga mid noqon lahayd Soomaaliya haddii uu ku guulaysto kursiga Madaxweynaha, isagoo ka codsaday dawladda Turkiga deeq lacageed oo dhan 4-Milyan oo Dollar, lacagtaas oo u fudaydin doonta, xoojin ballaadhan oo Xisbiga WADDANI ayuu ku yidhi Guddoomiye Cirro dalabkiisa.
Geesta kale, Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu hadal dheer ka jeediyay kulankaas, ayaa dawladda Turkiga iyo Madaxdooda uga mahad naqay isku dayadii badnaa ee ay ku rabeen sidii Soomaaliya mar kale lugaheeda isugu taagi lahayd, sidoo kale wuxuu rejo ka muujiyay in hiigsiga Soomaaliya ee 2016, iyo dalka oo midnimo dhabi ka dhacdo ay shacabka Soomaaliya u noqon doonto farxad soo celisa rajadoodi luntay. Dhinaca kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inay bur-buraan wadahadaladii u dhaxeeyay labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo rejo ka muujiyay haddii uu guulaysto Guddoomiye Crro inuu ka dhabeeyo ballan qaadkiisa.
Dawladda Turkiga oo sanadihii ugu danbeeyay samayn xoogan ku yeelatay waddamada Islaamka, waxay dhawr jeer isku dayeen inay Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya, iyagoo maalgalin badan ku sameeyay Madax dhaqameedka Soomaaliya oo safar ku yimid Somaliland, balse isku dayadaas oo dhami may noqon kuwo hirgala, lama garanaayo talaabada ay Xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto wajigan cusub ee uu qaybta ka yahay Guddoomiyihii Baarlamaanka dalku.
Tallaabadan ayaa doc-faruur ku noqonaysa wadahadalladii Masiiriga ahaa ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo la filayo in mar kale la isugu yimaaddo. Waxayna meesha ka saareysaa dooddii Turkiga ee ahayd inuu dhexdhexaad ka yahay arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
source:somalilandtoday