Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiir ku-xigeenka Ingiriiska U Fadhiya Dalka Itoobiya

0
21

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxmaed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabiley xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis ababa Mr Chris Allan. Dalka u yimid sidii uu u sii macasalaamayn lahaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland ee uu muddada dheer la soo shaqaynaayey isaga oo loo la dalacsiiyey awgeed kana tegaya shaqadii safiir ku xigeenka,

Madaxweynaha oo Safiir ku xigeenka la qaatay shir saacado socday ayaa kula dardaarmay Mr ALLAN in uu hal;kaasi ka sii wado xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu la lahaa Somaliland laga bilaabo maantana uu yahay saaxiibka Somaliland ilna uu iska saaro sidii uu qadiyada Somaliland u barbartaagnaan lahaa.

DSC_0110Madaxweynaha oo Hadyado kala duwan gudoonsiiyey kuwaasi oo  isugu jirta dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, iyo Astaamaha aynu dhaqan ahaan u leenahay hidaha.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Saylici

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Biixi

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi

Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis

Xoghayaah gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali

DSC_0112

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here