Madaxwayne Siilaanyo Oo Curashada Sannadka Cusub Ee Islaamka Awgeed Dhambaal Hambalyo Ah U diray Shucuubta Islaamka Gaar Ahaana Shacbiga Somaliland

0
22

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1436 (Hijiriyada), awgii oo ku beegan Sabtida Beri oo taariikhdu tahay 25.10.2014, Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

SiilaanyonMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu

leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here