Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Qaadashada Kaadhka Dhalashadu Lacag Noqon Doonto

0
28

Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa shalay Kormeer kedis ah ku soo maray qaybo ka mida Wasaaraddaha Dalka, Goobaha Diwaangelintu ka socoto iyo Hay’adda Shaqaalaha.
Md. Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu kormeeray  Wasaaraddaha Xannaanada Xoolaha, Waxbarashada, Arrimaha gudaha, Xafiiska Hay’ada Shaqaalaha iyo Xafiisyo kale  oo dawli ah.
Waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo Madaxweyne ku xigeenka Xafiis kasta oo wasaarada ka mid ah soo mariyey ugana war bixiyey hawlaha shaqo iyo sida ay ka wasaarad ahaan ugu heegan ka yihiin dhalin yaro badan oo ka soo baxday jaamacadaha Dalka.
saylici Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaasoo ay  ka socdeen hawlo shaqo oo aad u baaxad badan iyo shirar kala duwan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta wasaaradaasi, oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Waran Cade, Wasiir ku xigeenka Amniga Cali Maxamed Cali , Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolkada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo howl-wadeenada kale ee Wasaaradda.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweyne ku xigeenku soo indho indheeyey  qaar ka mid ah goobaha ay ka socoto Diwaangelinta Medeniga, gaar ahaan kuwo ku yaalla  Degmada Gacan libaax, halkaasoo uu kula kulmay muwaadiniin badan oo safaf ugu jira qaadashada Kaadhka dhalashada “Maanta kaadhku waa bilaash, laakiin berri lacag ayuu noqon doonaa, markaa inta uu maanta sidaa yahay waa in dadku qaataan kaadhka dhalashada” ayuu yidhi, Mudane Saylici.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa madaxweynaha war bixino ka siiyey sida ay howsha Diwaan-gelintu u socoto, isagoo indho indheeyey qalabka iyo qaabka loo wado shaqada.
Saylici, ayaa indho indheynta habka diwaan-gelintu u socoto kaddib, hambalyeeyey shaqaalaha howsha wada meel ay joogaanba hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayaan, shacbiga somalilandna waxa uu ugu baaqay inay ku dedaalaan inay noqdaan kuwo qarankooda metela oo buuxiya shuruudaha muwaadinimo, isna diwaangeliya si ay u qaataan kaadhka aqoonsiga muwaadinka.
Mid ka mid ah goobaha Diwaan-gelinta laga samaynayo, ayaa waxa maalmihii la soo dhaafay hakad galay shaqada, kaddib markii sida la sheegay laga jaray Adeega Korantada  lacag lagu lahaa awgeed.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Kormeerkiisa intuu ku jiray aan wada Ciidan Ilaalo ah sidii lagu yaqaanay marka uu madaxtooyada ka soo baxo, balse waxa la socday dhowr sarkaal oo ku lebisan dhar cad iyo xubno ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here