Madaxtooyada Oo Ku Faraxday Go’aankii Guddidu Ku Xaliyeen Khilaafka KULMIYE + Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Duuduuba U Aqbalay

0
24

Hargeysa(Hubaal) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)ayaa aqbalay go’aankii Gudida Golaha Guurtida ku soo afjareen khilaafkii Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE.

ergada silanyo

Madaxweyne Siilaanyo oo kadib markii ay gudidaasi ku dhawaaqeen go’aanka lahadlaayey warbaahinta ayaa sheegay in ay aqbaleen go’aanka ay gudidaasi ku xaliyeen khilaafka Xisbiga KULMIYE,waxaana uu sheegay in maadaama ay ogalaadeen in ay gudidaasi ka garnaqdo Khilaafkooda ay ogalaadeen waxkasta oo uu yahayba xalinta khilaafka Xisbiga KULMIYE

“Waanu aqbalnay oo waanu qaadanay,waxaanu u aragnaa sida ay tahay oo waxa ay tahayba waanu qaadanay oo waanu aqbalnay maadaama aanu gudida aqbalnay in ay dhexdhexaadin gasho oo ay Guurtidii Qaranka ay tahay”Ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalilanda

si kastaba ha ahaatee go’aankan maanta ay ku dhawaaqeen Gudidii Golaha Guurtida ee Khilaafka Xisbiga KULMIYE ayaa ah mid farax galiyey Garabkii Xukuumada,waxaana ka dib ku dhawaaqistii odayaasha ay u sacaba tumeen go’aamadii ka soo baxay gudidaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here