Maayirka Hargeysa Oo Waddo Cusub Dhagax Dhigay, Biriij Cusubna Xadhiga Ka Jaray+(Sawiro)

0
54

Hargeysa, Somaliand, (Hubaal)-Maayirka Caasimadda Hargeysa, ayaa waddo cusub oo Xaafadda Goljanno iyo Daami isku xidha dhagax dhigay, halka xaafadda Maxamuud Haybe u sameeyeen bariij biyo mareen ah oo maayirkii hore u taagwaayey, isla markaana ay ku guulaysteen bariijkaasi.

3

Wadadan uu maayirku dhagax dhigay ayaa ka bilaabmaysa Akadamiga Nabadda taas oo baahi weyn u qabeen shacab weynaha xaafadaasi. Maayirka oo ka hadlaya wadadan la bilaabi doonno waxa uu yidhi “Maanta halkani waa Akaadamiyada agteedii,waxaanu ka bilaabaynaa waddoo ku jirta mashruuca JPLJ oo 300 oo kun oo dhaw-dhaw ku kacaysa,wadaasi halkan ayaa laga bilaabayaa waxaana ay ku dhamaanaysaa wadada sheikh madar kasoo baxd ee hawlwadaag ee daami dushiisa,waxaana ay wadadaasi noqon doontaa wado hal-bowle ah culayskan ka yareen doonta wadada dhexe”.

66

Dhinaca waxa uu maayirku xaafadda Goljanno ugu baaqay inay ilaashadaan wadadan, isla markaana la shaqeeyaan hawl-wadeenadda dawladda hoose ee wadadan hirgalin doonta, waxaanu yidhi “Xaafada Gol-janana waxaan leeyahay waa wadadii koobaad ee aad yeelataan,wadadaas inaad dhaqaalaysaan ayaa loo baahan yahay,si xaafada wadooyin badan looga dhisana waxa la doonayaa inaad cashuurta iska bixisaan taas oo ah cashuurtii dawlada

hoose ee idinku waajibtay”. Waxaanu intaas ku daray ““Wadaadaas waxaanu ku dhamaystiri doonaa mudo saddex bilood ah,waxaana bilaabi doonaa wiigan soo socda sidaas ayaanan maanta u dhagax dhigay,waxaanan shacabka

12

caasimada ee ku nool u sheegaynaa inuu hore noogu yimid maayarka magaalada fiiland maanta uu  inoo imana doono maalinta qaran ee18ka mayna inalaga qayb qaadan doono Maayarka Silik oo ka socda wadanka Ingiriiska,anaguna aanu booqasgi ku tagi doono 30 May maayarkii hore ee booqashadda noogu yimid wadankiisa”. Sidoo kale, maayirku waxa uu xadhiga ka jaray Bariij casri ah oo biyo mareen ah oo laga hirgaliyey xaafadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa.

Biyo Mareenkan Ayaa Waxa Hirgalisay Shirkada Dhistay Biriishyada Ee Jano Gale Constraction Company Taas Oo Ku Guulaystayna In Ay Dhisto Biriishkii Saddexaad Ee Laga Hirgalin Doon Degmada Maxamuud Haybe.

Munaasibada loo sameeyey xadhig ka jarida biyo mareenka ayaa waxa kasoo qayb galay moyarka caasimada Somaliland, Maayarka ku xigeenka, agaasimaha bilicda,Shirkada Janno Gale iyo marti sharafa kale. guddoomiye ku xigeenka ha’yadda

Man-Hal Maxamed Salaan oo ka warbixinaya bariijkan waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya guddida xaafada ee biriijka saddexaad ee magaalada Hargaysa,Maayar kolay sidaad aragto waxa uu ilaahay inoo suuro galiyey sidaad aragto hawshii aynu mudada dheer ka wada soconay xaafada iyo dawlada hooseba iyo gaaro ahaan jumciyada Manhal oo iyana ka qayb qaatay

waxa u ururinta biriishkan,runtii ilaahay ayaa inoo suuro galiyey waxaana ay u

mahad naqaynaa ilaahay adiguna maayar balan qaadkaagii waad ka dhabayse ee aad natidhi magac dambe naloogu bixin maayo meeshan tariikhdeeda dib ugu noqon mayno”. Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in goobtan ay xaafadaha ku dhow dhow dhibaato ku qabeen oo aanay dhaafi jirin biyaha, taas oo markii dambe ku guulaysteen inay bariij biyo mareen ah u sameeyaan si dooxa loogu shubo, waxaanu yidhi “Halkan waa meel ay biyuhu istaagi jireen oo ay umadu dhib ka mutaysan jirtay iyo shacabiga xaafada dagan,waxaana dhib laxaadleh kala sii kulmi jiray ardayda jaamacada Beder ee inagu dhaw ru ahaantii dadaalka jumciyada Manhal iyo shirkada wayn ee Jane gale Constarction company,Runtii Biyo Mareenkani waa 200 Miter oo dusha ka dadan toosna u gaynaya biyaha halkan uu ka qaado dooxa,halkana biyo danbe dib uma fadhiisanayaan intiina ka qayb qaadatay waxaan idin leeyahay dhamaantiin waad mahad santiin inta ka qayb qaadatay”. Waxaanu intaas ku daray “Wax kasta oo ay umadi ka wada qayb qaadataan sidaasa ayey u qurux badataa shacbiga reer Hargaysana waxan leeyahay waxaanu nahay dadkii aad doorateen waxaanu nahay dadkii idiin shaqaynayey waxna waa waxaad noo dhiibtaan waxna waa waxaad ka qayb qaadataan intaas uunbaa waxa lagu dhisaa,waxaan shahaado sharaftan guddoonsiin doonaa shirkada caan baxday ee Jano gale inta badana dhistay biriishyada waawayn”.

Dhinaca kale, Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti ayaa  shahaado sharaf iyo abaalmarino gudoonsiiyey maayirka Hargeysa, iyagoo ku amaanay waxqabadka uu ka geystay magaaladda Hargeysa.

“Dhamaan Masuuliyiinta Jaaliyada Jabuuti, waxaana ka guddoomay shahaado sharaftaas ay ugu maamuuseen runtii jaaliyaduna wax badan ayey dalka iyo dadkaba u qabteen waxaanan leeyahay waad mahad santiin”ayuu yidhi maayirka oo ka hadlaya abaalmarinta ay gudoonsiiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti.

Sidoo kale, Jaaliyadda reer Jabuuti ayaa sheegtay inay ku maamuuseen abaalmarino iyo shahaadooyin sharaf, waxaanay sheegeen inay mar walba xidhiidh dhow la leeyihiin jaaliyadda Jabuuti.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here