Hargeysa, (Hubaal)-Maayarka Jabuuti Xuseen Cabdilaahi Qayaad, ayaa shalay safarkii shaqo ee uu ku joogay dalka kusoo gabogabeeyey degmadda Sheekh oo uu booqday goobaha muhiimka ah ee ay ku caantahay degmaddu.
Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Maayarka Caasimadda Hargeyda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa waxa la socday Dhigiisa Jabuuti Xuseen Cabdilaahi Qayaad oo marti u ahaa maayarka Caasimadda, waxaana shalay markii uu gaadhay degmadda Sheekh ku soo dhoweeyey maayarka degmadda Sheekh, ku xigeenkiisa iyo madaxda sare ee degmadaasi, kuwaas oo ku soo wareejiyey goobaha ay caanka ku tahay degmadda sidda Cisbitaalka casriga ah ee degmadda, Iskuulka Xanaanadda xoolaha lagu barto iyo dugsiga SOS, waxaana warbixino ku siiyey masuuliyiintii joogay goobaha ay booqanayeen.
Waxa xusid mudan in iskuulka gobolka ee Xanaanadda xoolaha lagu barto ay u sharaxeen sida ay wax u bartaan iyo sida ay xoolaha iyo cuduradda ku dhaca loogu baray inay daweeyaan, iyagoo xusay inay leeyihiin xoolo, waxa kale oo soo jiitay weftigan in iskuulka xanaanada xooluhu ay koronto ka dhigtaan Digadda xoolaha iyo uuska Xoolaha oo hoos u dhigtay laydhkiii Shiidaalka oo kharash badani ku bixi jiray, taas oo uu aad ugu bogeen labadda Maayar.
Iskuulkan ayaa waxa dhigtay arday ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, waxaana iskuul ay macalimiin iyo maamulayaaal ka yihiin dad Ajanabi ah.
Maayarka Jabuuti Xuseen Qayaad ayaa sheegay inuu dalka ku yimid casuumad rasmi ah oo uu u fidiyey maayarka Hargeysa, isla markaana uu soo maray degmooyinka Gabiley, Boorama, Berbera iyo SHeekh oo uu ku soo khatimay socdaalkiisa.
Maayar Qayaad ayaa sheegay in aanu wakhti badan haysan, balse uu jeclaanlahaa inuu wakhti badan siiyo degmadda Sheekh oo ah mid cimilo wanaagsan, isagoo uga mahadnaqay soo dhoweyntii reer Sheekh u sameeyaan isagoo u ballanqaaday inuu mar kale ku soo laaban doono degmadda.
“Waxa dalka igu casuumay saaxiibkey Cabdiraxmaan Soltelko maayarka Caasimadda Hargeysa, waxaana soo maray degmooyin badan, aad baan idinku mahadcelinayaa soo dhoweynta aad noo samayseen, wakhtiga nagu yar oo waanu sii joogi lahayn cimiladda Degmadda Sheekh waa mid aad u fiican, waxaana rajaynaa in aan mar kale isku iman doonno”ayuu yidhi Maayar Qayaad
Sidoo kale, Maayark Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo isagu weftigan hogaaminayey ayaa sheegay inuu maayarka Jabuuti xidhiidh fiican la yeelan doono maayaradda dalka, isla markaana booqon doono degmooyin kii aanu maanta booqan, waxaanu reer Sheekh uga mahadnaqay in booqashadan kadis ah ee ay ugu yimaadaan ka raali noqdaan.
“Si kadis ah ayaanu idinku nimid, waana naga raali ahaanaysaan waayo Maayarka Jabuuti wuxuu soo maray degmooyin badan waxaanu door biday inuu ku soo gabogabeeyo degmadda Sheekh”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa Soltelko.
Si kastaba ha ahaatee, weftigan iskugu jira labadda Maayar ayaa degmooyinka ay booqdaan si diiran loogu soo dhoweynayey.
Maayarka Jabuuti iyo wefti uu hogaaminayey oo ay ku jiraan Fanaaniin Soomaali iyo Canfarba iskugu jira ayaa toddobaadkii u dambeeyey dalka booqasho ku joogay, waxaanu intii uu dalka joogay booqday degmooyin badan oo dalka ah.