Maayarka Hargeysa oo hadyado guddoonsiiyey Wefti reer Sweden ah oo Dalka Booqasho ku jooga

0
25

Hargeysa, (Hubaal)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), munaasibad sagootin ah u qabtay wefti ka socda dalka Sweden oo uu hoggaaminayo Xoghayaha dawladda Hoose ee magaalada Stokholm, waxaanu Maayarku guddoonsiiyey hadyado kala duwan oo isugu jira Shahaado Sharaf, Calanka Somaliland iyo hadyado kale.

weftiWeftiga reer Sweden oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Dawladda Hoose ee magaalada Stockholm Mr Lors Radh, ayaa dalka booqasho ku yimid ka dib markii ay casuumad ka heleen Maayarka Caasimadda Hargeysa, waxaanay intii ay dalka ku sugnaayeen la kulmeen madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, iyaga oo booqasho ku tagay gobollada Gabiley iyo Saaaxil.

Maayarka Caasimadda oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay ayaa sheegay in booqashada wefti reer Sweden uu suurto-galiyey xidhiidh iskaashi oo dhexmaray labada caasimadood ee Somaliland iyo Sweden, waxaanu intaas ku daray in safarkani u yahay xoghayaha dowlada hoose ee Stokholm markii u horeysay ee uu socdaal ku yimaaddo Qaaradda Afrika.

“Sidaad la Socoteen waxa Inoo Jooga halkan wefti Caalami ah oo ka yimid Magaalada Stockhol mee dalka Sweden hadana ku jira gebagabadii soona eegay meelo badan. Ka gole Deegaan ahaan waxaanu Weftiga Culus ugu talo galnay Hadyado Qaali ah kuwaas oo ay Mutaysteen, Kuna Xusuusan doonaan Jamuuriyadda Somaliland. Hadyadahaas wax ka mid ah Calankii Somaliland, alaab ka samaysan Hidaha iyo dhaqanka u gaarka ah Somaliland, Macawisyo iyo Koofiyadihii ay Dhaqanka u lahayd Somaliland. Anagu ka Gole Deegaan ahaana waxa ay Nagu soo Caasumeen dalkooda waxaanan u tagi Doona Akhirka Bishan aynu ku jirno,” Sidaa waxa yidhi Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee magaalada Stockholm Mr Lors Radh oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa Maayarka Hargeysa uga mahad-celiyey Hadyadaha la guddoonsiiyey, waxaanu yidhi, “Waxaan Si aad ah ugu Mahad-naqayaa Maayarka Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo Dhamaan Xildhibaanada Dawlada Hoose ee sida wayn ee aan la soo koobi karin noogu soo dhaweeyay Somaliland iyo Magaalada Hargaysa. Markii aad Nasoo casuumteen wixii noogu yaabka badnaa waxa uu ahaa inaanu ogaano inaad tihiin dal Dimuqraaddi ah oo nabad ka jirto.”

“Dalka Somaliland waa dal Horumaray oo iskaashi wanaagsan lala Samayn karo, waxaanu ogaanay Sawirkii aad noo sheegteen inuu sax yahay, nabaddiina taalo, Horumarna aad gaadheen, waxaanan ogaanay in ay jiraan baahiyo badan oo ah Xagga waddooyinka, taasna waanu idin kala shaqayn doona,” ayuu yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Stockholm.

Mr Lors Radh waxa uu sheegay inuu xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta iyo wixii ay ku arkeen Somaliland warbixin ka siin doono marka uu tago dalka Sweden iyo dalalka kale ee Cilaaqaadku ka dhexeeyo.

Sidoo kale, gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Sweden Mr Sakariye Wacays oo weftiga xubin ka ah, ayaa soo dhoweeyey xidhiidhka cusub ee u furmay Somaliland iyo Sweden, waxaanu uga mahad celiyey xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee dalkaas oo doorka weyn ku lahaa imaanshaha weftiga.

Geba-gabadii Maayarka Caasimada iyo Xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa, ayaa hadyado kala duwan oo loogu talo-galay guddoonsiiyey hoggaamiyaha Weftiga Reer Sweden ahna Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Stockholm.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here