Maayarka Boorama oo Tuhunno aanu magac-dhebin ku xidhiidhiyey Weerar Dabley hubaysan ku qaadday Saldhigga Booliska Magaaladaas

0
14

Dareen-celinta Shacab Argagaxay iyo Khasaare Ka Dhashay Rasaas Guryahooda ku doonatay

Boorame, (Hubaal)- Maayarka iyo shacbiga ku dhaqan magaalada Boorama, ayaa ka hadlay weerar dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan habeen hore ku qaadeen Saldhigga Booliska magaaladaas, kuwaas oo adeegysanayey hubka noocyadiisa kala duwan oo dayaankiisa huradada ka kiciyey shacabka.

maayar-300x216Kooxda weerarka ku qaadday saldhigga Booliska oo aan la aqoonsan, ayaa abbaaro 2-dii Saqdii Dhexe ee Habeen hore rasaas u furay saldhigga booliska oo ay wakhtigaas ku sugnaayeen Askarta ka hawl-gasha oo iyaguna rasaas kaga jawaabay, iyada oo rasaastay ay labada dhinac waxyeello u geysatay dhismayaal ku yaalla agagaarka saldhigga. Kooxda Dableyda ah ayaa markii dambe ka bacsaday goobta, mana jirto cid ilaa immika loo qabtay dhacdadan, sida uu sheegay maayarka degmada Boorama.

Maayarka caasimadda gobolka Awdal Saleebaan Xaddi oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boorama shalay, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaas oo uu ishaaray inuu xidhiidh la leeyahay tuhunno raadadkooda la hayo, balse aanu magac-dhebin.

“Horta Rasaas way dhacday laakiin sida loo buun-buuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna wax way rideen markay maqleen Shanqadha xabbadda dhinaca kale laakiin wax weyn may ahayn ee markii Xabbadda Ciidanka ay maqleen meesha way ka yaaceen, laakiin wax weyn oo dhacay oo la odhan karo wax khasaare ah ayaa dhacay ma jirto,” Sidaas waxa yidhi Maayar Saleebaan Xaddi oo saxaafadda la hadlay shalay, waxaanu intaas ku daray inay maamul ahan la xidhiidheen arrintanna kala hadleen Laamaha ammaanka iyo ciidanka Milatariga balse aanay jirin wax amni darro ah oo hadda taagan.

Maayarka oo la weydiiyey cidda lagu tuhmayo ee ka dambaysa weerarka, ayaa sheegay, “Horta, rasaas habeen dhacday cid loo hayaa haddaanay wali jirin, tuhun hore oo jiray oo loo xidhiidhinayo mooyaane, laakiin xaalad la odhan karo ciiddaasay ku caddahay ma jirto. Laakiin tuhun hore waa lagu xidhiidhin karaa oo tuhunnadaa jiray ee hore u dhacay, ayuunbaanu kolley ku xidhiidhinaynaa sida ay tahay,” ayuu yidhi Maayarku, isaga oo intaas raaciyey, “Waanu tagnay meesha oo meelo ay rasaastu ku dhacday way jirtaa, laakiin wax dhibaato ah oo dhacday ma jiraan”.

Saleebaan Xaddi waxa uu iftiimiyey inay kala baaxad weyn yihiin tirada ciidamada ammaanka ku sugan Boorama iyo hawlaha looga baahan yahay, waxaanu yidhi, “Masuuliyadda ilaalinta ammaanka hay’ado dhanbaa u dhisan, wixii ka dayacma iyo dhaliil ahna, iyaguunbay tahay inay toosiyaan, waanay shaqaynayaan, laakiin hawsha waxaad mooddaa in magaalada Boorama ciidanka booliska ee joogaa ku filnayn.”

Maayarka Caasimadda gobolka Awdal, waxa uu bulshada reer Borama iyo guud ahaan gobolka ugu baaqay inay ilaashaan ammaankooda isla markaana ay meel uga soo wada-jeestaan cid kasta oo halis ku ah ammaankooda.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan agagaarka Saldhigga Booliska ee dableydu weerareen habeen hore, ayaa ka dareen-celiyey saamaynta ay ku yeelatay iyo khasaare sahlan oo ka soo gaadhay rasaasta ay is-weydaarsadeen Ciidanka Booliska iyo Dableyda weerarka ku qaadday saldhigga Booliska ee degmada.

Hooyo Xaliimo Cabdi oo ka mid ah qoysaska guryahoodu ku yallaan agagaarka saldhigga, ayaa warbaahinta uga war-bixisay xaaladdii ay ku sugnaayeen wakhtiga ay rasaastu dhacaysay, waxaanay sheegtay in rasaastu gudaha ugu soo gashay, waxyeellana u geysatay gurigooda oo rasaastu meelo badan kaga dhacday, in kasta oo aanu jirin khasaare nafeed oo ka dhashay.

“Aniga iyo laba qof oo waaweynbaa hurudnay, rasaastu gurigay noogu soo gashay, intii ay socotayna beerkaanu dhulka ku haynay, rasaastuna way na dhex socotey, guriguna wuu wada-gariirayey,” ayey tidhi Hooyo Xaliimo, iyada oo intaas ku dartay, “Ma jiro cid wax nagaga noqotay, jiingadda oo dalooshantay iyo Fadhigii guriga oo ay wada-gashay mooyaane.”

Qaar kale oo ka tirsan dadweynaha magaalada oo wax laga waydiiyey dhacdadan, ayaa sheegay inay rasaas xooggani ka bilaabantay badhtamaha suuqa magaalada xilli ku beegan 2-dii Saqdha Dhexe ee habeen hore, taas oo ay sheegeen inay argagax ku abuurtay shacabka magaalada.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here