Hargeysa(Hubaal) – Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay si adag uga dooday dhaqaalaha dalku heerka uu marayo, saamaynta kordhinta Tacriifaduhu ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sababaha xukuumaddu u hagi la’dahay ganacsatada dalka ee wixii ay doonayaan ku iibiya maceeshadda iyo allaabooyinka ay dalka dibaddiisa ka keenaan.
Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi, Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa xildhibaannadu aaraadooda ka dhiibteen dhaqaalaha dalku halka uu marayo, saamaynta bulshadu kala kulanto gad-gadoonka sarifka lacagaha iyo qiimaha maceeshadda iyo shidaalka ee halka mar uu gaadho aan dib uga soo degin.
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Gacan), oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ee halkaasi ka hadlay ayaa aad uga dayriyey xaaladda nololeed ee shacabku ku sugan yahay, isaga oo xukuumadda ku dhaliilay in aanay isku miisaamin cashuuraha la kordhinayo iyo saamayntooda.
“Xukuumaddu way ilowday dantii shacabka, waayo shidaalka oo adduunka ka jabay halkiisii ayuu taagan yahay, ciddii tacriifadda wax ku salayn lahayd waa xukuumadda, laakiin danteeda ayay ka raacday” ayuu yidhi, Xildhibaan Axmed Gacan, waxaanu intaasi raaciyey in bulshadu ay khatar ugu jirto xanuun ka dhasha raashinka dalka la keeno oo uu xusay in badankiisu dhacay “Raashinka ugu xun baa la inoo keenaa, waxa jira Maraakiib dhan oo Saliid ah oo Tujaarteennu keenaan oo aanu dadku cunin, xanuunno badanna keentay. Bariiska ugu liita ayaa la inoo keenaa, Baastada ta ugu liidata ayaa la inoo keenaa, waana labada shay ee aynu ugu badsanno, taana tacriifadda laga qaadaa saddex laab ayay noqotay, tii la qaadi jiray wakhtigii xukuumaddii hore iyo ta maanta la qaadaa waa kala laba oo cashuurtii siyaado ayaa laga dhigay”
Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waxaan leeyahay iyadu Miisaaniyaddii (Xukuumaddu) way wanaajisay oo way kordhisay, laakiin maxaa dhibaato ah oo ka yimid, shacabkii ayuun baa la dhibay oo Sicir barar nooc walba ah ayaa kacay. Qofkii danyarta ahaa ee labada boqol ee dollar looga soo diri jiray dibadda maanta wax allaale iyo wax ay u qabanaysaa ma jirto oo bakhti ayuu ku jiraa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey in baahida dalka jirta ay gaadhay dadka qaar dawarsi noloshooda ku maareeyaan “Dadkeena hore dawarsigu wuu igu yaraa, laakiin maanta 90% dumarkeenna iyo carruurteennu way dawarsanayaan, guryaha ayay kuugu soo gelayaan iyaga oo baahan. Markaa waxaan leeyahay xukuumaddu way daneysatay, laakiin shacabku wuu ka baa’bay dhanka dhaqaalaha…”
Xildhibaanku wuxuu ku taliyey in xukuumaddu waxqabadkeeda u beddesho wax soo saar “Xukuumaddu waxqabadkeeda ha innoogu beddesho wax soo saar, haddii la doonayo in dhaqaaluhu kobco raashin ayaynu leenahay’e aynu dhulkeena wax ka soo saarno. Cashuur la kordhiyaana dawladdana wax tarimayso, shacabkaba way dileysaa..ayuu yidhi.
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, waxa uu aad uga dayriyey hab-dhaqanka ganactada dalka “Waar Baayac Mushtar yar oo dhiig miirato ah ayaa samaysmay ee ha la soo celiyo Baayac-mushtarkii isku miisaannaa ee midna keeni jiray, midna ka sii iibsan jiray, sida dhaqaaluhu ku korayaa waa sidaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waynu ku baa’banay nin Tujaar ah oo Galaankii iyo kiishkiiba iibinaya. Maanta Somaliland waxay u qaybsantay saddex qaybood, dad liita, wax noloshoodu weli sii jiitamayso iyo badh cirka gaadhay….”
Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud (Jirde) ayaa isaguna yidhi “Xukuumaddu Dakhligan badan ee ay cashuurta ka soo saarto, waxaan odhan lahaa kharash yaanay ka wada dhigine mid wax lagu soo saaro ha laga dhigo ayaan odhan lahaa”
Xildhibaan Liibaan Cabdillaahi, ayaa isaguna sheegay “Xukuumaddu waxay miisaaniyadda ugu timid $ 47 Milyan, maantana waxay sheegaan in Miisaaniyaddu tahay $ 251 Milyan, laakiin markay xukunka yimaaddeen boqolka dollar waxa lagu sarifayey 600.000 shilin, maantana waa 7,35000 shilin, markaa Miisaaniyaddan way korodhay la leeyahay waa wax dadweynaha uun lagu kordhiyey” ayuu yidhi.
somalilandtoday