“Maalintii Baanka La Iidhiibay Waxa Yiilay Lix Bilyan Oo Somaliland Ah,Oo Wuxuu Ahaa Bakhaar Oo Kale,Maantana Wuu Buuxaa,Oo Muuqaal Bangi Ayuu Leeyahay”

0
35

“Aniga Ujeedaydu Waxay Ahayd Wada Shaqayntii Naga Dhexaysa Uunbaan Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Ku Bogaadinayay,Wixii Loo Qaatay Aniga Ima Khusayso”.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Gudoomiyihii hore ee baanka Dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi ayaa ka warbixiyay Xilka qaadistiisa halka uu u malaynayo inay daaran tahay,waxa kale oo uu ka hadlay horumar dhinacyo badan taabanaya oo uu baanka gaadhsiiyay mudadii uu joogay,isagoo si gaar ah uga hadlay xidhiidhkii wanaagsanaa ee ay kuwada shaqanayeen wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu ku tilmaamay masuul uu ku xasuusan doono wada shaqayn fiican,hawlkar iyo daacadnimo.

guddoomiyaha baankaCabdi Dirir Cabdi oo waraysi gaar ah shalay siiyay Websiteka Hadhwanaag ayaa waxa uu ugu horayn ka jawaabay su’aal laga waydiiyay inay xilka qaadistiisa soo dedejisay amaan uu u jeediyay Wasiirkii hore maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Samaale xafladii uu xilka wasaarada Maaliyada wareejinayay,waxaana uu yidhi “walaal anigu wixii jiray uunbaan anigu sheegay,oo wasiirkii hore ee maaliyada wada Shaqayn wacan ayaa naga dhexaysay,laakiin dadku waxa ay qaataan ma xukumi kartid,hadalka qof si ayuu ugu dhacaa,aniga ujeedaydu waxay ahayd wada shaqayntii naga dhexaysa uunbaan wasiirka ku bogaadinayay”.

Waxa uu u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo in marka uu xil ka qaadayo masuul xukuumadiisa ka tirsan uu marka hore u sii sheego sababta uu xilkaa ugu garan waayay waxaana uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya sidan”madaxweynuhu isaga ayaa dadka shaqada siiya,isagaana ka saara marka uu doono,aniga waxa xilka la iga qaaday goor habeenimo ah oo ilaa 11-kii ku sinayd,markaa ka hor ayaa ogaysiis la isiisiiyay,waxaanan markii dambe helay warkii inuu jiro,waxaan soo jeedinayaa in madaxweynuhu marka uu qof eryayo uu marka hore si gaar ah ula kulmo oo uu u sheego waxa uu u eryay oo uu yidhaa waxaasi iyo waxaasi ayaan kugu eryay,laakiin in dadku iska maqlo uun qofkaasi waa la eryay,anigu waxaan qabaa inay ka wanaagsan tahay in madaxweynaha marka ay ka soo go’do inuu qofkaasi badelo inuu u yeedho,inuu la hadlo,inuu yidhaahdo waan u mahad celiyay intii ay wada shaqaynayeen”

Gudoomiyihii hore ee baanka Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi waxa uu sheegay inaanu waligii ka mid noqon islamarkaana garayn guruubyada ka dhex jira xukuumada Siilaanyo waxaana uu yidhi”Anigu Siyaasi ma ihi,kaw dheh,anigu waxaan iska ahaa nin profishan ah oo banker ah ayaan ahaa, shaqadayda uunbaan ku ekaa,siyaasadna nin garabkan sii,garankan ha siinin ku shaqaynayay maan ahayn,nin dadka u dhexeeya oo bulshada u adeega ayaan ahaa”.

Ugu Dambayn waxa uu ka hadlay wixii uu ku soo kordhiyay Banka mudadii uu xilka hayay waana uu sheegay inuu banka ugu yimid Dhawr Milyan oo laan ah maanta uu ka tagay isagoo buuxa oo lacag nooc waliba ay taalo” waxaa la igu xasuusan doonaa lacagtii aan ka badelay Burco,lacagtii aan Ceerigaabo ka badelay,waxaa la igu xasuusan doonaa lacagihii cusbaa ee aan ku soo kordhiyay lacagta somaliland,waxaa ka mid ah,baanan ganacsiyo oo aan furay,waxaa ka mid ah qawaaniin aan u sameeyay baanka dhexe iyo waxyaabo badan oo aanan halkan ku soo koobayn,maalintaan baanka qabtay waxa yiilay lix Bilyan oo Somaliland ah,maanta All Xamdu lihaa, Lacagta taala baanka wuu buuxaa,waanu shaqaynayaa,maalintaan u imid wuxuu iska ahaa waxaad bakhaar moodo,imikana siduu u egyahay hadaad aragtay waad garan kartaa,maanta waxaan kaga tagayaa Central Bank isagoo ah oo sidii baank dhexe u shaqaynaya ayaan kaga tagayaa oo hawlihii iyo daaqadihii Central banka inuu noqdo oo ay ka muuqdaan ayaan kaga tagayaa”.

Xigasho Foore

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here