Maalinta War-baahinta Somaliland darteed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay hambalyo u diraysaa saxaafadda Somaliland

0
21

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu hanbalyaynaysaa suxufiyiinta Somaliland Maalinta War-baahinta Somaliland oo ku began 9th November 2014. War-baahintu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah xoriyadda hadalka sida ku dhigan qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland. Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku wuxuu sheegayaa in “qof kastaa uu xaq u leeyahay inuu yeesho feker iyo inu cabiro; taas oo ay ku jirto inuu yeesho afkaar iyada oo aan la soo faragelin iyo inuu raadsho, helo, gudbiyo xog iyo aragtiyo isaga oo sii marinaya war-baahin kasta iyada oo aan la eegayn xuduudaha.”

Dastuurka Somaliland waxuu mamnuucaa ficil kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda wuxuuna damaanad qaadaa madax-banaanida saxaafadda. Sidaasdarteed, xoriyadda hadalka waxa bixiyay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Sanad guuradani waxay ku soo beegantay iyada oo ay xayiran yihiin laba warbaahinood, Haatuf iyo Hubaal. Waxa intaas dheer inay xidhan yihiin laba suxufi. Labada suxufi waxa Gabiley lagu xidhay 30kii iyo 31kii October. Nasiib darro waxa maxkamadda la horgeyn doonaa labadaas suxufi 9 November oo ah maalinta war-baahinta Somaliland. Weriyayaasha telefiishanka Horn Cable TV waxa loo diiday inay galaan xafiisyada dawladda iyo dhacdooyinka dawladdu soo abaabusho. Dhamaan ficiladasi waxay xadgudub ku yihiin xorriyadda hadalka, waxayna ka soo horjeedaan dastuurka Somaliland.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay sii dayso suxufiyiinta xidhan islamarkaana ay ka qaado xayiraadda wargeysyada xayiran. Horn Cable TV waa in loo ogolaado inuu u shaqeeyo si xor ah. Dawladdu waa inay ixtiraamtaa dastuurkeeda.

 HRC

Guleid Ahmed Jama

Chairperson

Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here