“Ma Jiro Wax Wadahadal Muuqda Ama Qarsoon Oo Xilligan Aannu La Wadaagno Soomaaliya”Wasiirka Khaarajiga Somaliland

0
34

Xukuumada Oo Ka Hadashay Wadahadalka Hoose Ee Madaxweynaha Soomaaliya Sheegay Inuu U Socdo Iyo Qaab Cusub Oo Loo Beddelo Wada-Xaajoodka

Addis Ababa-(Hubaal)- Xukuumadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba beenisay inuu jiro wada-xaajood hoose oo u socda Soomaaliya, isla markaana ku celiyey inaanay dib ula yeelan doonin shirar wadahadal illaa la helo markhaati waddamadda caalamku ka noqdaan.

wasiir biixiMadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii toddobaadkan Waraysi uu siiyey Telefeshinka Somali Chenel ku sheegay inay jiraan oo si hoose ugu socdaan wadahadalladu Somaliland iyo Soomaaliya, balse, Somaliland ayaa waxba kama jiraan lagu tilmaamtay.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, isla markaana wax ka weydiiyey jiritaanka in wadahadalku si hoose ugu socdo Somaliland iyo Soomaaliya sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin haba-yaraatee wax wada-xaajood ah, oo sare iyo hoos toona ugu socda wakhtigan oo u dhexeeya Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Ma jiro wax wadahadal muuqda ama qarsoon oo xilligan aannu la wadaagno Soomaaliya, mawqifkii hore aannu u qaadannay waxba iskama beddelin.”

Wasiir Biixi oo la weydiiyey sida uu u arko fikrado Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inay ku salaysnaadaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland oo laba maamul loo wada hadlo ama laba qabiil, waxa uu ku dooday inaanay dhici doonin taasi, waxaanu yidhi; “Annagu qabiil ula kulmi mayno iyo haddii dad reer Somaliland ka soo jeeda ku jiraan, mana yeelan doonno wada-xaajood dambe illaa laga helayo waddamo caalamka ah oo markhaati ka noqda.”

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi, ayaa meesha ka saaray shaki bulshada Somaliland intooda badani ka qaadeen hadalka Madaxweynaha Soomaliya Mr. Xassan Sheekh ku sheegay inay jiraan wada-xaajood hoose oo u socda Somaliland, sidoo kalena geed dheer ku laallay wada-xaajood dambe oo labada dhinac mustaqbalka yeeshaan, maaddaama shuruud adag oo aqbalaaddeedu aanay ka suurtoobayn Soomaaliya Xukuumadda Somaliland ku xidhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here