Ma dhab-baa in xukuumada Jabbuuti ciidamo ka qoranayso gudaha Somaliland iyo ujeedada laga leeyahay

0
17

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumada Jabuuti ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii ciidamo boqolaal gaadhaya uga qoran lahaayeen gudaha Somaliland.

Sida shalay lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Indian Ocean Newsletter, ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan Ilaalada Qaranka (The Republican Guard) ayaa u doontay helitaanka ciidamo dalka Somaliland.

Warka ku saabsan ciidamo cusub oo xukuumada Jabuuti ka qoranayso Somaliland ee wakaaladu qortay oon faahfaahin badan lagu qorin ayaa lagu sheegay in boqolaal ciidamo ah loo doonayo ciidanka Ilaalada Qaranka ee jabuuti laga qoranayo Somaliland.

JABUUTIArrinka qorashada askar cusub ee ciidanka Ilaalada qaranka oo u xilsaaran amaanka guud ee xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegaya in intooda badan laga qori doono shacabka degan degaamada u dhow xuduudka jabuuti, ee dhalashada ay wadaagaan.

Dhinaca kale, noomay suurto galin inaanu khadka taleefanka ku helno maamulka gobolka salal oo ah deegaamada la sheegay in dawlada jabbuuti inay ciidamo ka qoranayso.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here