HUBAAL CHANNEL: Halkan Ka DAAWO+Ka Akhriso Madaxweyne Ku Xigeenkii U Horeeyey Ee Somaliland Oo Ka Hadlay
“Ma Aha Markii U Horeysay Ee ay Tan Oo Kale Somaliland Ka Dhacdo, Mana Aha Arrin Loo Adkaysan KAro Oo Caqliga Saliimka Ahi Qaadan Karo’e Waa In Ay Aanay Inoogu Soo Noqon”
Hargeysa(Hubaal):-Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise jaamac oo wakhtigan ka tirsan madasha wadatashiga iyo toosinka Qaranka Somaliland oo ay ku bohoobeen siyaasyiin reer Somaliland ah,ayaa booliska Somaliland ku dhaliilay rasaasta nool ee ay mar kasta u adeegsadaan dadka rayidka ah goor kasta oo ay sameeyaan muddahaad salmi ah oo ay dareenkooda ku cabbirayaan. Waxaa kale oo uu mujaahid Xasan Ciise Jaamac sheegay in booliska dalka loo aasaasay in ay dadka iyo dalka ammaankooda sugaan isla markaana ka shaqeeyaan dadka nabad gelyadooda.
Waxaanu intaa ku daray in ay dambi tahay in dadkii mushaharkooda bixinayay ee laga qaadayay canshuurta ay mushaharka u qaataan in ay rasaas nool ku ridaan oo maalin kasta ay dadka rayidka ah rasaas nool ku dhaawacaan.
“Ciidamadii Bilayska ee Somaliland ee Shaqadoodu ahayd inay ilaaliyaan Amaanka iyo nabad galyada reer Somaliland ayaa Amar lagu siiyay inay Rasaas nool la dhacaan Dadkii Ra’yidka ahaa ee Caruurta iyo dumarka ahaa ee aan hubaynayn ee Mudaharaadayay. mana aha markii u horaysay ee taas oo kale ka dhacdo Somaliland, arrintaasi waanu ka hadalay mararkii horay dhacday haddana waanu ka hadlaynaa, mana aha arrin loo adkaysan karo, Arrin caqliga Saliimka ahi qaadan karo ma aha. Arrintaasi waa inay halkaasi isku taagto aanay dib inoogu soo noqon Insha Allah”
Mujaahid Xasan Ciise oo sharaxaya sida ay mamnuuc u tahay inaan Boolisku dadka rayidka ah rasaas u adeegsan waxa uu yidhi “ Sababtu waxa weeye, Rasaasta iyo Qoryaha waxa loogu tala galay Nacabka waddankan Cadawga ku ah. Mushaharada Ciidanka waxa bixiya dadkan Shacabka ah oo waa Cashuurta laga qaado, Madaxda ilaa wasiirada ilaa Askariga Dadkan ra’yidka ah ee nabadgalyadooda la ilaalinayo ayaa masruufa kuwan Rasaasta la dhacaya iyo kuwa Amraya”.
Xasan Ciise oo sii hadlaya waxa uu yidhi “ Dad Mudaharaad Salmi ah u soo baxay oo Dumar iyo Caruur u badan in Rasaas Nool lala dhaco aduunka meel ay ka dhacdo oo aan Kalitalis ahayn oo aan Daalin ahayn oo Dulmi ahayni ma jirto.Kuwa Noocaas ku kacana dadkaa diida oo ka dhiidhiya oo aakhirataanka wakhti kastaba ha ku qaadatee ka tuura Kursiga. Arintaasi waxa weeye Arin loo baahan yahay inaanay dib u soo noqonoo inay mar kaliya dhacdo ayaa inagu dheeraad ah, inay soo noqnoqotana hadalkeedaba daa”.
Mujaahid Xasan Ciise waxa uu tilmaamay sida ay dadku xaq ugu leeyihiin Mudaharaadka islamarkaana ay tahay in Xukumadda iyo Boolisku u dulqaataan “Dadkani waa dad ra’yid ah oo aan Hubaysnayn oo Mudaharaad Salmi ah u soo baxay,haddii la yidhaahdo Waddadii bay xidheen dee waa Waddadoodii oo Cashuurtii Laga qaadayay ayaa lagu sameeyay ee ha xidheen.
Cidda aan sugi karayn inta ay ka xiiso dhacayaan ee ay Ka kacayaan meesha Ciidamada shaqadooda weeyaan inay ka wareejiyaan hareeraha waddada.mar haddaan dadkani hub sidan xaq bay u leeyihiin intay ka cadho burburayaan inay wadadooda fadhiyaan, hadday sanad ku qaadanayso ha fadhiyeen, sanadkaas ha qardo jeexaan dadka aan sugi karayni. Waddo aan hareeraha laga mari karini ma jirto ee maxaa dadka loo laynayaa?”
Mujaahid Xasan Ciise oo ka hadlaya waxa laga yeelayo dadku haddii ay rabshad sameeyaan waxa uu yidhi “Xataa haddii cid ka mid ah dhalinyaradu Booliska dhagax ku tuuraan,maaha in Rasaas lagu furo, Askartu waxay dirayska u xidhan tahay inay wadanka naftooda u huraan.Ma dhagax yar oo Ilmo yar soo tuuray baanay u adkaysan karayn, muxuu yeelayaa.wax sabab u noqon kara maaha in Xabbad lagu dhufto Nin Waddani ah oo reer Somaliland ah.