Kulmiye:Na eede kuwii na aaminaye,na aragtee mar labaad ha ololeyn (Waxaan ummada ku boorinayaa inay illaahay u noqdaan iskana ilaaliyaan Bahalaha Masaajidada ku jira oo ka khatar badan kuwa Debeda jooga Markay siyaasada galaan) NA EEDDE KUWII NA AAMINAYE, NA ARAGTEE MAR LABAAD HA OLOLAYN. HAYBADII DAWLADNIMO SHURUUCDII DHAQANKII AYUU DIIRTAY NIDAAMKA SIILAANYO Mahad dhamaanteed alle ayaa iska leh. Salina wuxuu usugnaadey rasuulkeeni CSWS. Marka Xiga bariido ugaara arkhriste iyo inta soo bandhigta Mareegaha aan u hineeyey. Waxaynu ognahay qaabka loo maareeyo maaliyada & mashaariicda dowlada inay noqotay mugdi iyo Daluumo musuq boob iyo abataqan ku shalwatay oo aan caddaan ah loo arkayn. Waxaa dhaqankeena suuban Diinteeda Samaawiga ah iyo aqonta Cilmiga aynu Kasbanay ee inagu xeeran garashada xalaasha ahi ina faraysaa in aynu u hiilino Xaqa Cadaalada Runta Iyo Himilada Wanaagsan oo Ka hiilino Xaqdarada Eexda Beenta Hagardaamooyinka, gardarada iyo dulmiga boobka. Dhaca ya sida xaqiraada. Hadidaada iyo mugdiyada fule guulnimada ah ee ku xeeran. Marka dulmiga iyo xad gudubku hadheeyo hilinka toosan, bushadu waa garashadii iyo shaandhadii kala haadin lahayd, Waxaynu Barbar taagan nahay Inta jilicsan tabarta daran, ee saboole, raacatole, beeratole, maqadaa madhergaan le, kuwo dantu liilisay leh, mid laxaadla, midaan hadli karayn mid dhulyaala, mid aragati mid siloon oo caqligu aanu dhamays tirayn, Waxaynu ognahay sida Wasiirka Maaliyadu ugu Tagrifalay : Diinta islaamka ee uu ka dhigtay wax uu marba danihiisa ku fushado, Sida uu hantida Qarranka ugu tagrifalay ee iska daa wax kale uu Xusbigii Kulmiye ugu burburiyey (Kulmiye Waxaa cunay Wasiirka Maaliyada & Cashuurtii Qarranka hala waydiiyo). sida uu Xoolihii Qarranka u boobay, Sida uu shaqaalihii Dawlada civil servant qabyaalada iyo naxliga ku shaqaleyey ku ababiyey, ku kala takoorey ee rajo la aanta iyo Wadashaqayn la aanta ugu beeray ee u baabiiyey, Wasaaradda Maaliyaddu waxay gashay wiriq oodan oo ay adag tahay rubuc Qarni inay ka soo kabato Waxa Samaale Gaadhsiiyey, Cashuurihii iyo Takaaliiftii loo sinaa oo Labadii Muwaadin midba meel laga ursanayo 23 Sanno Cashuurta Ganacsatadu way u sinayd, Maanta midna Daawada, Cuntada iyo Dharka ayaa lagu qaali gareeyaa, midna Sigaarada, Mobile lada, Spreparts ayaa loo jebiyaa iyadoo loo eegayo Isir ahaan halkuu ka so jeeddo.
Qandaraasyada mashaariicda Dowlada ee Samaalle Bixiyo oo Hada gaadhaya 2012-2015. Ilaa 70 Malyan oo. Shirkad uu Wax ku lee yahay siiyo Waa dhismayaasha deyrarka indho sarcaad ka ah. Tusaale Hargeysa Hospital gudiisa hoose iska roga xashiishka ka qaada iyo qalabka la isticmaalay iyo bulaacado malaha, dushana Waxaa laga mariyaa derbi quruxbadan. Aan ku nasano Maansadii dhahar ee Hadraawi 1980 ayay ahayd Welina tii baa taagan. Marka dhidar ku daadego Booraan dahsoonoo Hilbo laga diqoodoo Damac-beelay yaalliin Dabadeedna uuskiyo Duufkiyo xumaystii debedda ula soo baxo Dadku shaamareeraan Neecaw delleganoo Doorsoontay uriyaan Waxan ahay dareenkii Noqon jirey daruurtee Sidii roobka di’i jirey Dalka wada dhammayn jiray Madaxweyne Siilaanyo ama Caqli haka noqoto ama cudur haka noqoto e Wuxuu soo af jaray Dabagalkii iyo. Masuuliyaddii Madaxweynaha Qarranka ka saarayd Hufnaanta iyo isla xisaabtanka suuban iyo xadgudubyadii awoodeed musuq ee Madaxdu Wasiiradu ku mutaysan jireen eriga, isga Sida loo kala boob iyo sharci darro badan yahay ayaa loogu kala dhowyahay. Waxaaba u dheer Kooxo gambooley ah oo aqoon iyo arrinkoodu yahay noocii dhegdheer ama Talladii Ratiga Maalinba Cad ka soo jaradii oo aan Biyo ismarin ayaa Neecawdeedii Boodhkii iyo urtii Lowyacado ilaa Laasqoray sanka laga qabsaday. Waxaa lagu beretamayaa tuugo, qandaraas, xaraan, qabyaalad, eex, cadaalad daro, bursi. Musuq Sharci daro, dhagar iyo hagardaamooyin qarranka dhaawac weyn ku ah Waa inta Cadowga Dabka iyo Dhimbiisha ku ah Dwladnimda. Waxaa horseed ka ah intii Madaxweynuhu soo dhoweystey ee aaminay oo midba nooc ka mida burburkaa faraha kula jiraa. Dibu noqo. Oo bal aan eegno 30 ka hor iyo Hadraawi mar 2aad. Daarahan casuustaleh Kolba midab la doortiyo Diibka lagu mariimee Shanta Moodhar yaalliin Hanti aan dal dheer iyo laga keenin dibadaa Karti iyo dedaaliyo dardar lagula soo bixin Duullaanna loo gelin Duco waalid soo hoyn Carshigana ka soo degin Deeqdaa la yaabka leh Ninka weel darsanayee digashada saboolkiyo Ku darsaday badheedhaha Miyaan eedi daba ool. Godobtiisu dedanaa Ciidanka Qarranku wuxuu qataa 600,000/ iyo 100,000 oo Debed joog ah, (700,000) Waxaynu markhaati dhegood iyo mid aragtiyeedba u nahay, Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam oo Qaybinaysey Billado Dahaba, oo. Caruurta Wasiiradda, Tujaarta, Hodanka iyo Maal-qabeenadu dhaleen guddomsiinaysa DAHAB. iskuulka Nuura Diin, Samsamey Afar. Sano ayaad Wasiir ahayd askariga Police ah ee ku illaaliya ama Ciidanka Qarranka ah ama Ciidanka asluub ta ah ee nool iyo kan dhintay kan Mujaahidka ah ee isna nool ama dhintay Danyarta iyo Iskuuladii aad Wasiiradda u ahayd Nooca waxbatshadoodu tahay iyo cida dhigata maka warqabtaa.? Maalina shahaado masiisay? Illahay qof ummada kuu Dhaama aqoonta Ha KEENO… ma qofka hodanka ah iyo kan Lacagta iyo Xilka haya ayaa Waxbarasho fiican Xaq u leh… Weli ma ragatay Nooca Liisanka Dugsi Ganacsi Waxbarsho oo leh Habraac, school private ah, oo galaaska/qolka inta arday ee laga rabo, cabirka galaaska daaqadaha, barxada ay tahay inuu yeesho, haddii dab/gubasho timaado ama Xabad lala soo galo halis timaado. Midabka Rinjiga ay tahay in Faslka gudihiisu yeesho, inta fogaanta ardaygu Sabuuradda u jirsanayo, Halka Sabuuradu ahaanayso jihada albaabka.. Waxaynu uga fadhinaa Wasiiradda Waxbarshada ee Dahabka bixisaa.. Waxaan hubaa in Dugsiyada Ganacsiga ah aan 4 midh waxkabadani shuruudaha school inanay buuxin karayn. Waxaa weliba Dowladan oo Samsam kow ka tahay Dulaysay Waxbarsahadii Dowliga ahayd iyo Macalimiintii. marka le ayaynu ka hadli doonaa. Ee aan ku nasano taxanayaashii sowingan dib isugu noqday… Waa Hadraawi Wuxuu yidhi: Inta gaajo doob tahay Derbi tahay laxaad weyn Dufan-jecesha ururtiyo Dibna-leefta tarantee Doorka maanta soo baxay Dabatadu sad roon tahay waxa yaal daldalayaan Danyartiyo saboolkuna Diingaraaro jiifaan Dadku kala sarreeyaan In qabiilku dabar-go’ Ama dumo ha eegina Cilmi diidayaa jira, Wuxu yidhi “degmadayada Dugsi keliya baa jira Diric keliya baa dhiga Dersi baanu baranaa Dulliga iyo beentiyo Doqonniimo faankiyo Qoqobkiyo dirsociyo Ducadiyo yaboohdiyo Inta laga diqoodiyo Dawersigu ka kow yahay Digashadu u mudan tahay Marka qalin daraalaha Dilla sheega la cuskado Intixaanka loo dego Ka dul dhiga jawaabtiyo Doorkiyo wax-garadkaaa Inta daadataa u badan” Wuxu yidhi ” degmadaydu Boobka way la dirirtaa In la duro garsoorkiyo In la dumiyo ma oggola Badi waxay danaysaa Dadku inay sinnaadaan Kefedaha dalooliyo Miisaanka dalabta leh Waxa laysu dacal sudhay Dibindaabyo maahee Waa daryeel sida u yaal Danyar loogu tala galay Si aan laysu daba gurin Dulmiguna xaqa u cunin Dayaxaannu awdnaa Qorraxdaannu daahnaa Nuurkaannu damiinaa Mugdigaannu daarnaa Dabadeeto fulinaa Sharcigii dalka u yiil Cir da’furay habeenkii Dallad baa la qaataa” Waxaan ummada usoo jeedinayaa ku boorinayaa inay illaahay u noqdaan inay iska illaaliyaan Bahalaha Masaajiddada ku jira oo ka khatar badan kuwa Debeda jooga Markay siyaasada galaan, inay Madaxda ay dooranayaan uga duceeyaan Cajuusatul Qaabiriinta ay Qabaan sidii Nebi Luud iyo Nuux inaan Dumar Xumi Madaxtooyada inoo gelin, iyo Qaar ay saaxiib yihiin oo Goojodaayey, Waxaan ku soo gebogebaynayaa HADAANU KULMIYE TAAGEERAYAASHISII IYO HOGAANKA DALKA NAHAY. “NA EEDDE KUWII NA AAMINAY” ABEER AAN DHALAYN BAA ARLADII JAQAY ILLAAHAY IYO DIINBA QAAR INKIRAY AYAX IYO ABOOR BAA ARLADII KU DHASHAY, DHUL IYO AQAL EDDEGNA MUU HADHIN, AQOONTII DULOWDEY OO ISKUUL MAJIRO, NA ARRAGTAYE MAR LABAAD HA OLOLAYN. QABYAALADA URAYSAA QASRIGII TAAL.. QANDARAAS BAA LA EEDAY QIIMO LA A. NA EEDDE KUWII NA AAMINAY NA ARRAGTEE MARLABAAD HA LLAYN. Bulshow Waa Madhaafaankeenii hal abuur kii Danyarta oo aan aad u. Xasuustay markaan arkay Waxa maanta taagan.. Wuxuu yidhi ” dulmanidaa Misna gacan degganidaa Aaway dawladnimadii Iyo doorarkeeddii Ma dad baan arlada jirin Ma nin baa daraaddii U daddaaba xidhantiin Caku aaran dubatada Iyo dooxatada baas Dabar maad u goysaan Xadhig maa u diirtaan Dibso maa tidhaahdaan Colka wadhaf ku daydaan Nafta deeq u bixisaan” Waxaynu ugudbi doonaa Macadanta iyo Madaxtoyada Qaadhaamada Wadoyinka Ragu yeeshay… abdi weli <abbarkhad@gmail.com>