Hargeysa (Hubaal) Kooxda fanaaniinta ee Xidigaha Geeska ayaa beeniyay war ay shabakadaha qaar qoreen oo sheegayay in kooxdu joojisay xidhiidhkii ka dhexeeyay xukuumada Somaliland.
Gudoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax iyo gudoomiye ku xigeenka kooxdaasi Axmed Weli Ibraahim (Furunle) ayaa si wada jira ubeeniyay warkaa ay qoreen warbaahinta qaar,sidaasna waxa ay ku sheegeen mar khadka telifoonka aanu wax kaga weydiinay
Ugu horayna gudoomiyaha kooxda ayaa kahadlay warkaasi iyo sida ay u arkeen koox ahaan “ Waxaaan doonayaa inaan sheego oon qeexo warar manta warbaaihinta qaarkeed ay qoreen warar kaasi oo udhignaa war-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay oo lagu sheegayay inay wada shaqayntii ka dhexaysay xukuumada ay joojisay kooxda Xidigaha Geesku, waxaan leeyahay gabi ahaanba wararkaasi waa warar been abuur ah , waana warar aan sal iyo raatoona lahayn.
Imika aniga (Laabsaalax) iyo xubno kamida kooxdu waxaanu joognaa magaalada Boorama waxaanu maqalnay in warar lagu baahiyay shabakadaha qaar waanan akhriyay runtii waxaanu ahaa wax kabaxsan anshaxa Saxaafada sida looqoray warkaasi , marka labaadna qof aan xil kas ahayn ayaa qoray,waxaanay dheegteen war- saxaafadeed aanu hore usoo saarnay kaas oo la isticmaalay shaabadiisii.
Gudoomiye Xasan Dhuxul Laabsaalax isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “kooxdu siyaasad kama shaqayso, waxay ka shaqaysaa Fanka,kamana suurawdo inay baahiso waxyaabo caynkaas oo kale ah,dhaqana umalaha,mana aha ujeedooyin kasuurooba kamana suuroobi doona”ayuu yidhi .
Sidoo kale Gudoomiyaha kooxda Xidigaha Geesku waxa uu fariin udiray dad uu sheegay inay ku fooganyihiin dhaleecaynta kooxda “ dadka inta badan ku foogan ama caadaystay dhaqamadaa foosha xun ee been abuurka ah waxaan usheegayaa in aanay ahayn kooxda Xidigaha Geesku Koox unugul dacaayadaha noocaas ah ee raqiiska ah ,shacabka arintaasi gaadhayna waxaan leeyahay arintaasi sal iyo raatoona malaha ,mana aha mid ka soo baxday kooxda , waan been abuur cad” ayuu yidhi gudoomiyaha Xidigaha Geesku.
Sidoo kalana waxa uu saxaafada usoo jeediyay in marka ay arkaan warar noocasi ah oo kala ay la soo xidhiidhaan kooxda kana xaqoojiyaan inwarkaasi runyahay iyo inkale.
Dhinca kale waxaa isna arinka kahadlay gudoomiye kuxigeenka kooxda Xidigaha Geeska Axmed Weli Ibraahim (Furunle) waxaanu sheegay in uu sida gudoomiyaha kooxduba sheegay warkaasi aanu sal iyo raatoona lahayn waxa udhaqan ah kooxdana ahayn xukuumadana xidhiidh fiicani kadhexeeyo “kooxda Xidigaha Geesku maaha koox ujoojinaysa wararka been abuurka ah ee shakhsiyaadka neceb horu marka aygaadhay koodu kaxun”ayuu yidhi Mr Furunle.
Sidoo kale mar aanu wax kawaydiinay in kooxdu aanay wada socon ayuu gudoomiye ku xigeenku sheegay in Kooxda Xidigaha Geesku isku duubanyihiin “ kooxdu waa mid wax khilaafa oo ka dhex jiraana maijro” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Kooxda Xidigaha Geesku Axmed Wali.
Ugu dambayntiina waxaanu waydiinaya xidhiidhka ka dhexeeya kooxda Xidigaha Geeska iyo Xukuumada Somaliland”xukuumada waxa naga dhexeeya xidhiidh fiican oo wliba imika maraya halkii ugu fiicnayd” ayuu yidhi .
Sidoo kale gudoomiye kuxigeenka Kooxda Xidigaha Geesku waxa uu sheegay in khilaafkii yaraa ee soo kala dhex galay kooxda iyo xukuumada laga heshiiyay dhawaana ay xaflad ay ku qaban doonaan Tv-ga qaranka.