Kooxda DAACISH Oo Hawada Ka Saartay Telefiishen Faransiis Ah

0
41

Taleefishinka Faransiiska ee T-V-Cinq-Monde ayaa la daalaa dhacaya sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa kaddib markii 11-kiisa kanaal ay jabsadeen shakhsiyaad isku sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda khilaafada Islaamka.

Agaasimaha shirkadda ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid culus ilaa iyo haatanna uu socdo.

faraniiska

Isagoo booqanayay xarunta dhexe ee TV-ga, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Laurent Fabius waxa uu u sheegay weriyayaasha in dowladda ay sameynayso waxkasta oo suuragal ah si ay u xoojiso ammaanka.

 

waxa uu sheegay in ay ahmiyadda saarayaan ammaanka intarnet-ka iyo sidii loo difaaci lahaaba, arrintaasna ay ahmiyad u leedahay wasaaradda difaaca, wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradaha kaleba.

source:bbcsomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here