Kooxda Al-shabaab Oo Ka Hadashay Sababta Ay Dilka Ugu Fuliyeen Fanaanad/Xildhibaan Saado Cali Warsame

0
65

Muqdisho (Hubaal) Kooxda xidhiidhka la leh Al-qaacida ee ka dagaalanta gobolada koonfureed ee Soomaaliya Ee Al-shabaab ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta dablay hubaysani ku dishay magaalada Muqdisho.

Dilka fanaanada Saado Cali Warsame ayaa waxa sheegtay ururka Alshabaab,Sarkaal Sare oo u hadlay Kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay Dileen Ciidamo katirsan shabaab ,isla markaasna ay Jidka u galeen kadibna dileen,waxaana uu sheegay sarkaalkan Al-shabaab u hadlay inay u dileen  Barlamaanka somaaliya oo ay ka tirsanayd fanaanadaasi sidaasna ay u dileen.

alshabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa mar walba sheegta masuuliyadda dilalka ka dhaca Caasimadda somaaliya ee Muqdisho ayaa waxa baryihii ugu dambeeyay liishaanka u saarnaa xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo dilal ku fuliyay xildhibaano badan.

Si kastaba ha noqotee, Fanaanad Saado Cali Warsame ayaa ahayd Fanaanad magac iyo Taariikh weyn ku lahayd geyiga somaalida waxaana ay qaaday Heeso Badan oo dhinacyo Badan ,isugu jira Haday ahaan Lahayeen Wadani Heeso Jacayl ah iyo kuwa kale oo Dadka somaliyeed lagu baraarujinayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here