Hargeysa(Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalinta Bari ah labada gole baarlamaan ka jeedin doono Khudbad Sanadeedkii 2014-ka.
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa isugu yeedhay labada gole baarlamaan ee Dalka.
Fadhiga Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax isugu yeedhay labada gole baarlamaan oo ah mid dastuuriya ayaa beri ka qabsoomi doona Xarunta Baarlamaanka Somaliland
Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku badan xildhibaano Mucaarid Fog ah kuwaas oo wada abuubul la xidhiidha Su,aalo la doonayo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo laga waydiiyo Arrimaha ka taagan dalka.